Uncategorized

Dalka Faransiiska oo masaajiddo xiray

iftineducation.com – Wasiirka ariimaha gudaha ee dalka Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in xukuumaddu ay xirtay ilaa labaatan masaajid bilihii u dambeeyay.


Wuxuu intaas ku daray in ay qorshaynayaan in ay xiraan kuwo kale iyada oo la adeegsanayo awoodaha xaaladda dagdaga ah ee loogu talagalay in lagula dagaalamo xagjirnimada.


Cazeneuve oo la kulmay Masuuliyiin magac leh ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah laga sameeyo maalgalinta masaajidda.


Arrintaas ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen in maalgalinta dibadaha laga helo ay dhiirigalinayso xagjiraynta.


Madaxa gudiga Muslimiinta ayaa sheegay Anouar Kbibech ayaa sheegay in bilo gudahood lagu furi abuuri doono hannaan qaabab kale loogu raadinayo maalgalinta masaajidda.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *