Uncategorized

Waagii hore marka erayada Af Ingiriiska la Soomaaliyenayo waxaa lagu dari jiray …+garey (garee). tusaale ahaan akhri halkaan

iftineducation.com – Waagii hore marka erayada Af Ingiriiska la Soomaaliyenayo waxaa lagu dari jiray …+garey (garee).




Tusaale; 
-Teeb-garey (Type) = makiinadda teebka ku qor.


-Jeek-garey (Check) = Hubi ama lacag caddan ah jeeg u beddel.


-Sayf-garey (save) = Kaydi sida magac ama number mobaylka lagu kaydiyo ama dokumenti kombyuutar lagu xifdiyo.


-Diliit-garey (delete) = Tir-tir 
-IWM


Hadda waxaa billaabatay in +Garey-di in la iska daayo. Waxan maqlaa:


-Numbekayga sayfo
-Mambarkaagi waan dilliiday
-Aan hadhow isa soo koolno (call)
Labada qaab kee kula habboon?
Isma barbar dhigayno adeegsiga afkeenna iyo Af qalaad ee waxan ujeedaa:


“Sayf-garee” iyo “Sayfo” kee ku leh?
Jimca barakaysan.


xigasho facebook : Muxumad Indhageelle


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *