Uncategorized

Turkiga: In ka badan15,000 oo shaqada laga joojiyay

iftineducation.com – Turkiga ayaa shaqada ka joojiyay 15,200 oo macalimiin iskuulada iyo jaamacadaha.


Wasaarada waxbarashada ee Turkiga, ayaa ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka, oo ay dowladda Turkiga ku eedeynayso inuu ka danbeeyay afgambigii milatariga ee guuldaraystay.


Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.


In ka badan 1500 oo gudoomiyayaasha jaamacadaha ayaa sidoo kale gudiga waxbarashada sare ay ku amartay in shaqada laga joojiyo.


Ra’iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa balanqaaday inuu talaabo ka qaadi doono taageerayaasha Gulen.


“Xididada ayaaan ka jari doonaa si uusan urur argagixiso uusan u qiyaamayn dadkeena mar kale” ayuu Mr Yilddirim u sheegay Reuters.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *