Uncategorized

Soomaaliya: Ma ahan Haweenku in ay ku Noolaadaan Cabsida Kufsiga Ay Kaqabaan

iftineducation.com – Xukuumadda cusub ee Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u hirgalisaa isbadelo wax ku ool ah oo looga hortagayo tacaddiyada kufsiga ee sii badanaya, 


sidaasi waxaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay Human Rights Watch.


Sanadkii la soo dhaafay, haweenka iyo gabdhaha ayaa waxaa loo geystay heerar sarsare oo kufsi iyo tacaddiyo galmo ah, oo ay geysteen dad ay ku jiraan ciidammada dowladda, ee ku sugan caasimadda Soomaaliya, ee Muqdisho.  



“Haween iyo gabdho badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku nool yihiin cabsi joogta ah oo ay ka qabaan kufsi,” ayey tiri Liesl Gerntholtz, oo ah agaasimaha waaxda xuquuqda haweenka ee Human Rights Watch. Waxa ayna intaa ku dartay “Ballanqaadyadii DowladdaSoomaaliya ay ka sheegtay fagaarayaasha ma aanay noqon kuwo horseeda ilaalin wanaagsan oo ay helaan haweenka iyo taageero loo fidiyo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.”  


Warbixintan72-da bog ka kooban, oo loogu magac daray “‘Halkan, Kufsigu waa iska Caadi’: Shan qodob oo loo qorsheeyay sidii lagu joojin lahaa Tacaddiyada Galmada ee ka dhaca Soomaaliya,” ayaa dowladda iyo deeqbixiyayaasha caalamiga ah waxa ay siinaysaa qorshe lagu sameynayo istiraatiijiyad dhameystiran oo lagu yareynayo kufsiga, dhibanayaashana lagu siinayo taageero degdeg ah, laguna sameynayo hannaan waqti dheer shaqeeya oo lagu soo afjarayo tacaddiyadaas. Warbixinta ayaa waxa ay diiradda saaraysaa horumarinta ka hortagga, kordhinta helitaanka adeegyada caafimaad ee degdega ah, xaqiijinta in la helo isbadelo lagu sameeyo cadaaladda, sharciga iyo qorshaha, iyo weliba in la horumariyo sinaanta haweenka.


Warbixinta markii la diyaarinayay Human Rights Watch waxay wareysatay 27 haween ah oo ku sugan magaalada Muqdisho oo la kufsaday, iyadoo qaar ka mid ah haweenkaas waqtiyo badan ay jir dileen dambiilayaal kala duwan. Dhammaan kiisaskaas waxa ay dhaceen tan iyo bishii Agoosto 2012-kii markaa oo dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ay xafiiska la wareegtay.


Dhacdooyinkan ayaa waxay ka dhaceen gobolka Banaadir, oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho, oo ah deegaan gabi ahaanba ay gacanta ku hayso dowladda, halkaa oo dhaqaale badan la galiyay si loo horumariyo ammaanka, dibna loogu dhiso hay’adaha dowladda, oo ay kujiraan garsoorka iyo adeegyada caafimaadka.


Ciidammo hubeysan, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidammada ammaanka qaranka ayaa tacaddiyo galmo, kufsi, dil iyo tooriyeen ah u geystay haween iyo gabdho badan. Haweenka iyo gabdhaha ka soo barakacay dagaal iyo macaluul ku habsatay deegaanadooda ee guud ahaan dalka ayaa ka mid ah dadka sida gaarka ah halista ugu jira tacaddiyada ka dhaca gudaha xeryaha barakacayaasha iyo weliba markii ay suuqyada aadaan, ama ay banaanka u baxaan, ama ay qoryo soo guranayaan, sidaasi waxaa sheegtay Human Rights Watch.


Caddaalad la’aanta tacaddiyada galmada caadi ayey ka tahay Soomaaliya, Human Rights Watch ayaa sidaa tiri. Shamso (dhamaan magacyada la isticmaalay ma ahan run arrimo la xiriiro dhanka ammaanka awgeed), oo 34 jir ah, oo gurigeeda cooshka ka sameysan ee ku yaal xerada barakacayaasha ay rag badan ku kufsadeen, ayaa waxay u sharaxday Human Rights Watch heerka ballaaran ee xasaanadda ah ee sii hurinaysa tacaddiyada: “Way isu keey daba mareen. Nimanka ma aanay degdegayn sababta oo ah inta badan haweenka ku nool xerada cabsi kuma ahan iyaga. Inta uu weerarka socday, ayaa mid ka mid ah waxa uu igu yiri, ‘Qofkaad rabto waad u sheegi kartaa waxan aannu kugu sameynay, anagu ma cabsaneyno.”


Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in 800 oo kiis oo isugu jira tacaddiyo galmo iyo kuwa xaga jinsiga ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho oo kaliya lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkii 2013-ka, hasayeeshee tirada saxda ah waxa ay u badan tahay in ay intaa ka sareyso. Dhibbanayaal badan ayaan soo gudbin dacwado kufsi iyo tacaddiyada galmada sababtoo ah waxa aanay kalsooni ku qabin nidaamka cadaaladda, kamana warqabaan adeegyada caafimaad iyo kuwa cadaaladda ama maba ay gaari karaan waxayna ka cabsi qabaan aargoosi iyo ceebayn haddii ay soo sheegaan kufsiga. Markii Human Rights Watch ay waydiisay mid ka mid ah haweenkii la kufsaday sababta aanay usoo sheegin in la kufsaday, waxay tiri: “Kufsiga Soomaaliya mar walba ayuu ka dhacaa. Halkan, kufsigu waa iska caadi.”


Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ee UNICEF, ku dhawaad saddex meelood meel dhibanayaasha loo gaystay tacaddiyada galmada ee Soomaaliya ayaa ah caruur ay da’doodu ka yar tahay 18 sano.


Halka dowladda ay ballan ku qaaday in ay “si dhameystiran” wax uga qaban doonto tacaddiyada galmada “oo mudnaanna ay siin doonto,” ballaanqaadyadaas ilaa iyo hadda isbadelo yar ayey keeneen, waa haddiiba ay jiraan wax isbaddalo ah. Dowladda cusub waxaa laga doonayaa in ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah si wax looga qabto dhibaatadan ballaaran ee kufsiga, siiba kuwa loo geysto bulshooyinka barakacayaasha ah, Human Rights Watch ayaa sidaa tiri.


Jawaabcelinta Dowladda
Bilowgii bishan Febraayo 2014-ta, Human Rights Watch ayaa waxay kula kulantay magaalada Muqdisho mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan oo ay ka mid tahay haweeneyda wasiirada cusub ah ee qaabilsan arimaha haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xubno ka tirsan waaxda qorsheynta ee madaxweynaha. Saraakiishaasi waxay dib u xoojiyeen sida ay dowladda uga go’an tahay in ay ka hortagto tacaddiyada galmada. Waxa ay si gaar ah saraakiishaasi ay u sheegeen in ay dib u eegid ku sameynayaan qabyo qoraalka hannaanka qaran ee dowladda ee ku aaddan jinsiga si ay ugu daraan qodobo ama shuruuc gaar ah oo wax looga qabanayo tacaddiyada isugu jira kufsiga iyo jinsiga. 


Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaado tallaabooyin wax ku ool ah si ay uga ilaaliso ciidammada ammaanka iyo kuwa kalaba in ay geystaan tacaddiyo galmo iyo in dadka dambiilayaasha ah la maxkamadeeyo. Si mudnaan sare leh, dowladdu waa in ay qaadaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in dhibanayaasha soo sheega kufsiga aanay la kulmin aargoosi kaga yimaada ciidammada dowladda iyo kuwa sirdoonkaba, sidii horay uga dhacdayba saddexdii kiis ee caanka ahaa ee dhacay 2013-ka.


“Dowladda Soomaaliya waxaa horyaal caqabado waaweyn marka la eego baaxadda tacaddiyada iyo qorshooyinka ballaaran ee la doonayo in wax looga qabto,” ayey tiri Gerntholtz. Waxa ayna intaa ku dartay “Marka intii la beegsan lahaa dhibanayaasha isku daya in ay hadlaan, dowladdu waa in ay diiradda saartaa maxkamadeynta dambiilayaasha, oo ay ku jiraan xubnaha ciidammada ammaanka.”


Sanado colaad ah ayaa adeegyada caafimaad iyo nidaamka cadaaladda ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan booliska iyo maxkamadaha oo aad u hooseeya ka dhigay kuwo taageero iyo caawinba aan siin karin dhibanayaasha ay saameeyeen tacaddiyada galmada, Human Rights Watch ayaa tiri. Taasi ayaa sababtay, in haweenka iyo gabdhaha yaryarba ay wajahaan waxa uu khabiirka madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ugu yeeray “dhibaateyn laba waji leh” — dhibaatada koowaad waa kufsiga ama tacaddiga galmada laf ahaantiisa, midda labaadna waa ka gaabinta mas’uuliyiintu ay ka gaabiyeen in ay siiyaan dhibanayaasha cadaalad wax ku’ool ah ama taageero caafimaad iyo mid bulshaba.


Maryam oo ah 37 jir garoob ah oo ay burcad badan ku kufsadeen gurigeeda ka sameysan cooshka oo ay Human Rights Watch wareysatay ayaa ah dhibanaha kaliya ee booliska u gudbisay kiiska kufsigeeda. Ciidammada booliska ee joogay saldhigaas ayaa dulleeyay kaddib markii ay u dhiig baxday dhaawacyadii soo gaaray markii la kufsanayay.


“Inta aanay ifasaxin ka hor, waxay ifareen in ay tahay in aan tirtiro goobta aan ku dhiig baxay.” Sidaa ayay tiri. Waxayna intaa ku dartay “Waan fariistay. Waxay isiiyeen xaaqin kaddibna waan nadiifiyay goobtii.” Mar dambe kuma aanay laaban saldhiga booliska si ay u sii wado dacwadeeda ama si ay u geyso dacwad kale oo ku aaddan kufsi kale oo loo geystay saddex bilood kaddib.


Haween kale ayaa tilmaamay saameynta dhaqaale ee ay kufsiyadan ku yeelanayaan noloshooda iyo sida dowladda iyo deeqbixiyeyaashu ay u caawin karaan. “Dhibaatada ku dhacda haweenka Soomaaliya ma ahan oo kaliya tacaddiyada,” ayey tiri Sahra, oo la tooriyeeyay lana kufsaday bishii todobaad ee sanadkaa mar ay qoryo soo guranaysay. Waxa ayna intaa ku dartay “Haatan xoogsigii aan sameyn jiray intii aan la ikufsan ka hor awood uma lihi inaan sameeyo. Waxaan u baahanahay barnaamijyo nalaku siinayo hanti aanu ku bilaabano ganacsi kale.”


Human Rights Watch, ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay qaado tallaabooyin dhowr ah oo muhiim ah.


Waxaa ka mid ah tallaabooyinkaas in la geeyo xeryaha tiro ku filan oo boolis tababaran ah oo ay ku jiraan haween, si ay ammaan u siiyaan bulshooyinka barakacayaasha ah; in la xaqiijiyo in adeegyada caafimaad iyo kuwa bulshaba ay noqdaan kuwo ka caawinaya haweenka iyo gabdhaha ka soo kabanaya gaboodfallada dhanka jirka, maskaxda, bulsho, dhaqaale, iyo taageero dhinaca caafimaadka ah; iyo in la horumariyo sinaanta jinsiga iyadoo la adeegsanayo horumarinta waxbarashada, sinaanshaha haweenka ee dhinaca siyaasadda, bulshada, iyo dhaqaalaha iyo ka qeyb galka haweenka ee siyaasada.


Caqabadaha dowladda horyaala aad ayey u weyn yihiin waxayna u baahan tahay in ay gacan ka hesho bulshada caalamka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.


Deeqbixiyayaasha caalamiga ah ayaa ku caddaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso xuquuqda haweenka, taasoo ku jirtay heshiiskii Soomaaliya ay saxiixday bishii Sitembar. Deeqbixiyayaasha waa in ay caddeeyaan taageerada tallaabooyinka dhaw iyo mida fog ee wax looga qabanayo tacaddiyada galmada ee ka dhanka ah haweeenka in ay muhiim u tahay horumarka Soomaaliya. 


“Dowladaha deeqda bixiya waa in ay ku cadaadiyaan dowladda Soomaaliya in ay xaqiijiso in dhibaatooyinka haysta dadka ay waxyeelada ka soo gaartay kufsiga ay tahay in la siiyo mudnaanta dadaalada isbadelka lagu sameynayo,” ayey tiri Gerntholtz. “Kaddibna deeqbixiyayaashu waa in ay horay u socdaan oo ay ka caawiyaan dowladda sidii isbedeladaas loo sameyn lahaa.”  Sidaa ayey ku soo gabagabeysay hadalkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *