Uncategorized

Sheeko uu qoray sxbkeyga Crahman Ahmed oo iga qoslisay oo micno iyo nuxur ximbaarsan ayaa u qorneed sidaan #‎kenya‬ ‪#‎Ethiopia‬

iftineducation.com – Sheeko uu qoray sxbkeyga Crahman Ahmed oo iga qoslisay oo micno iyo nuxur ximbaarsan ayaa u qorneed sidaas




“Waraabe baa laga sheegay inuu yiri: Anigu ma cuno xoolaha, Maskax iyo maan aan leeyahayna kuma cuno, ee markaan arko Ari goosan ah oo cidla maraya,baan is iraahdaa war kolay dad muslim ah buu ka soo baxsadaye u celi, 


Markaan soo aado arigii buu iga didaa oo cararaa, eleen waa lanoo kala sheeka xumeeye, 


markaas baan anna ka daba ordaa, Anoo is leh war kolay Cidley afka saarayaane soo celi oo Muslimkii lahaa ku sin. 




Markaan in doora baacsado oo aan soo gaaaro, baa damcaa inaan qabto, 


Eleen annigu gacan wax qabata ma lihiye, Ciddida iyo Micida baan la tiigsadaa si aan ugu qabto, 


markaas baa meeshii aan kaga qabtay ciddida iyo micidda, baa Soo ruqda oo isoo go’da, 


Neefkiinna isagoo dhaawaca buu meeshii ku galgashaa, 


Markaas baan is iraahdaa, War Kolay kan reerki lahaanna dhaafye, oo waa kan naf baxayee, Adigu maanta sannuunadda isaga bi’, oo iska Hilbeyso.. 




Sidaasuuna falka la igu eedeeyaa ku dhacaa.” 


kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ‪



#‎kenya‬ ‪#‎Ethiopia‬



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *