Uncategorized

Shabaab oo Muqdisho weerar ka gaysatay

iftineducation.com – Ururka Al-shabaab ayaa weerar ka gaystay magaalada Muqdisho iyaga oo ku dilay ugu yaraan lix ruux kuwo kalana ku dhaawacay.
Bartilmaameedka ayaa ahaa laanta dambi baarista, waxaana sidoo kale halkaas laga maqlay rasaas la is waydaarsanayo.
Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan lix ruux oo Mayd ah iyo shan kale oo dhaawac ah.
Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in weerarka la soo afjaray.
Masuuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca Muqdisho muddo ka yar hal isbuuc.
Si aad u hesho faahfaahinta cusboonaysiiso boggan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *