Uncategorized

sawiro wasmo ah oo la dawado cuduradaan laga qaadaa

iftineducation.com – Horey uma aamini jirin in jaceylka aragtida ugu horeysay uu yahay mid jira,laakin maalin nolosheyda si gaarka ah ugu calaamadeysan,wadnaheyga wuxuu u dhaqaaqay si aan kala joogsi laheyn,waxaan saacado gadaal usii qooraansanaayey halkii aad ka dhaqaaqday ilaa ley weydiiyo inaan arkay wax mucjiso ah,maxey iga ogyihiin in si lama filaan ah indhaheyga u qabteen jalaqsane aad u qurux badan oo qalbiga iyo maankaba deeqay.


Dad badan kama dhaadhacsano jaceylka ka beerma aragtida ugu horeysay,laakin aniga maalintii ugu horeysay aan ku arkay ilaa hada waxaad ka dhex guuxeysaa qayaalkeyga, waxaan ka dhex arkaa meel walbo sawirkaaga iyo qosolkaaga,waxaan ku qariyey sawirkaaga qayaalkeyga si aan uga dhex arko mugdiga iyo iftiinkaba,laga yaabee inaad maalin soo laabato adigoo i raadinaaya,codkaaga wuxuu iga difaacaa dabeylaha caashaqa, shabakadaan ka soo xaday fariintaan.mana dhici karto fursad marxaladaan iga saari karta,ilaa adiga nasiibku mar kale na kulansiiyo maahe.
Uma maleynaayo inaan horey u arkay jecel nuucaan ah. markii ugu horeysay ee aan indhaha kugu qabtay,indhahaaguna waxey u ahaayeen kuwo soo jiidasho leh,waxey ila noqotay sida inaan noqday qof aan miir laheyn oo ay wadadii ka luntay,maxaan u lumi waayey illeen indhaheygii adigaa sarcaadiyee.
Daqiiqad gudaheeda ayaad igu bedeshay,mana ku jiri xaalad degan,ilaa nafteyda ay adiga kaa hesho dawo,hada waxaan ogahay inaad nolosheyda qeyb weyn oo ka mid ah aad adiga maamusho,islamarkaana aad tahay qofka baahida cishqiga i baday,laakin hadii aan xogteyda si gaar ah kaaga warano waxaaan dareemayaa farax iyo cabsi hadana waan qalqalsanahay,laakin si guud ahaan aad ayaan uga helay inaad dareenkan i baday.
Laga yaabee iney u muuqato waali,laakin daqiiqadii aan ku arkay ilaa hadana way igu adag tahay inaan joojiyo ka fekerkaaga.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *