Uncategorized

Qabsashadii Galadiga ee Banaadir: Qeybta koowaad

iftineducation.com –  Si aan wax uga ogaano sababta keentay in markii ugu horeeysay ay culuma Soomali ahi dhaxdooda isku jihaadaan iyo sababihii ka dhashay . siddii Boqortooyadii Galadugu ku qabsatay deegaanada Afgoye illaa baardheere,aan fiirino wixii laga qoray qaar ka mid ah.


Fiiri Markhaati (FM) buugga “The Shaping of the Somali Society” ee Dr. Lee bgga 35aad Jameecadii Baardheere waxey ahaayeen koox culumo ah oo degay jiinka wabiga Jubba sanadkii 1819-kii waxaana bilaabay ugu horeyntii bogol wadaad, tiradoodu waxey gaartay halkii ugu sareysay sanadkii 1840-kii, markaa oo ay gaareen 20,000 xer dhan, kaddibna wax ay bilaabeen fikradda Jihaad.(((soo noq nogoshada taarikhda waxaa mar kale u soo joognay iyadoo culumo iyo hogaamiya kooxeedyo Jihaad uga dhawaaqeen Baardheere , 1991 illa maanta))).


galadi-boqortooyo-1 Dr. Lee bogga 136 wuxuu ku lee yahay “Lama oga sababta boqolkii wadaad ee u horeysay u asaaseen Jameecada. Magaalada Baardheere lafteeda waxaa la asaasay sanadkii 1819kii waxaana asaasay Sheekh Ibraahim Xasan Jebarow oo reer Daafeed ahaa marki loo diiday inuu Mowlac ka sameysto Daafeed kadibna uu baardheere u guuray, isagoo fidinayay dariiqadda Axmadiyada, dariqadil Sayid Axmed Bin ldiris Al-Fasi oo Maka Al-mukarama ku noolaa intii u dhaxeysay sanadihii (1760-1837), laakin buuga kale ee The Arab Factor ee Cali A. Xirsi wuxuu leeyahay “Xertii ugu horeysay ee Baardheere degta waxey ahaayeen Qaadiriya, kuwaa oo Qarnigii 19aad xarun ku lahaa Baraawe, hase yeeshee aad uma fidin qaadiriyadu wixii ka horeeyay Sheekh Aweys Maxamed Al-Baraawe oo noolaa intii u dhaxeysay sanadihii (1847-1909), FM buugga kale ee “Somali” ee Gerulli bogga 187-189 iyo warbixinta shariif Xerow Xasan, Caliyow Axmed, Sheekh Cusmaan Isaaq Qaadiriya laga soo wariyay.


Dhinaca kale sahmiyayaashii reer Yurub ee Baardheere tegay ayaa yiri “Reer Baardheere waxey ahaayeen Wahaabiyiin, FM buugga Dr.Lee bogga 136, Wahaabiyadda oo wadamada Carabta ku fideeysay qarnigii 19aad, Dr.Lee wuxuu lee yahay “Ma jirto wax la tixraaci karo oo xaqiiq ah oo cadeeynaya in Wahaabiyaddu berigaa soo gaartay gudaha Soomaaliya”, waxa uu intaa raaciyay Waxaa suuragal ah in Jameecada Baardheere ayna aheyn markii hore wahaabiya oo ay ahaayeen kuwa raacsan dariiqad kale oo u gaar ah deegaankana ku cusub oo ay doonayeen iney fidiyaan. FM-kale buugga “Principi” ee uu qoray Masimo Colocci bogga 80, 81, inkastoo ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya Jihaad ku dhawaaqa Sayid Maxamed ka hor, iyaga iyo Galadigu qoloba qolada kale ayey Gaalo ku magacaabi jireen.


Jameecada Baardheere waxey mamnuuceen Tubaakada, Ciyaaraha dhaqanka, faanta Maroodi, iyagoo yiri: Maroodigu ma aha xayawaan nadiif ah, waxa ay soo rogeen xijaabka Hawenku xirtaan , taasi waxey keentay in qarnigii 19aad ay iska horyimaadaan wadaadii Baardheere iyo kuwii degaanka, (Soo nog noqoshada taarikhda sida ay maantaba isaga hor yimaadeen culumaddii dalku). waxaa kale oo jiray in culumadii baardheere iyo kuwii dariiqada Shaaficiyadda ay is kaga hor yimaadeen sharciga, dhaxalka iyo furriinka.


Bartamihii 1830-kii dhaq dhaqaaqii baardheere wuxuu noqday mid ciidan. FM buugga Dr. Lee bogga 137, dhaqdhaqaaqaa ciidan waxaa hoggaaminayay Sheekh Cali Dhurow oo geeriyooday 1838 ama 1839, kaddibna Shariif C/raxmaan iyo Shariif Ibraahim, jihaadkooda waxaa gacan siiyay reer Guuraa, dagaalkuna wuxuu ku fiday Dooy, K/bari Baardheere ilaa bariga Baydhaba.


galadi-boqortooyo-2Sheekh Abuukar wuxuu hoggaamiyay dagaal lagu qaaday Wardaay (Oromo) galbeedka Jubba isagoo weeraray magaalada Luuq sanadkii 1840-kii, wadaadadii Baardheere ka soo duulay waxa ay gaareen Baraawe iyagoo dadkii halkaa joogay ku khasbay iney fikirooda raacaan, iyadoo barigaa Baraawe ay aheyd xarunta suufiyada waliba Sheekh Axmed Yuusuf (Goobroon) iyo Sheekh Madow Macallin (Hintire) ayaa halkaa wax ku bartay.


Faragelintaasi waxey ka careysiisay Suldaan Yuusuf Maxamed oo ahaa Suldaankii Galadiga ee degaankiisi lagu soo xadgudbay sanad Arbaca ah oo ku beegnaa 1843. Suldaan Yuusuf wuxuu deegaanka Afgooye ku diyaariyay ciidan Geledi iyo gaashaan buurtiisa ahaa, wuxuuna qaaday duulaan isagoo sii maray Daafeed iyo Baydhaba, Qabaa’ilkii uu sii dhex maray wuxuu kasii helay ciidan, ugu dambeyntii ciidamo gaaraya 40,000 ayuu Baardheere ku qabtay,(( qoraalada qaar ayaa sheegaya in ciidamada galadigu waqtiga nabadda ay ahaayeen 20.000 waqtiga dagaalkana la gaarsii jiray illaa 50.000)), waxa ayna aheed markii ugu horarysay ee xukunkan Gelediga ay hoos tagaan min Afgooye ilaa Baardheere, ciidamada Geledigu waxey gubeen guryihii iyo beerihii reer Baardheere, dadkiina waa qaxay, waxeyna dileen Shariif C/raxmaan iyo Shariif Ibraahim oo Jameecada hoggaaminayay, labadaba waxaa lagu dilay goobtii dagaalka, waxaana halkaa ku istaagay fikirkii jihaadka ee culumadii Baardheere ee xoowliga ku socday in kastoo uu baaqi ku sii ahaa meelaha qaar lagana aaminsanaa.


Boqorkii Geledigu intii uu duulaanka ku jiray wuxuu saarnaa Geel, FM buugga Dr Lee bogga 138 sawirrada qaar ayaa muujinaya in Suldaan Yuusuf uu Baardheere ka soo galay dhinaca Luuq, isagoo isku xiray Baraawe, Afgooye, Daafeed, Baydhaba, Molimaad, Luuq, iyo Baardheere. Dadkii ku kacay jameecada Baardheere ee galadiga gacanta siiyay waxaa ka mid ahaa kuwii faanta Maroodiga ka ganacsan jiray ee Jameecadu horay uga mamnuucday, Maroodigaa oo Baardheere laga soo ugaarsan jiray Baraawena laga dhoofin jiray, iyadoo owr iyo Addoon lagu soo rari jiray Masaari iyo Cumaaniyiin ayaa lug ku lahaa ganacsiga adoonta iyo faanta isticmaarkii reer Yurub ka hor.FM bugga “Reisen” ee uu qoray Baadariga Lu Dwing Krabt bogga 206 ee uu uga hadlayay socdaalkiisii dhulka Gaalla sanadkii 1850, wuxuu ku qoray in Galadigu dib u furtay wadadii ganacsiga ee faanta Maroodi ee Baraawe iyo Baardheere isku xireeysay, Fiiri markhaati kale dokumentiga Giulian qeybta 2aad bogga 86.


FG. Sawirka 1aad waa sudaan galadi ah.kan 2aad na waa reer Baardheere.


FG. Iga raali ahaaw haddii aad khalad ka dareento qormadeeydan iyo meelaha aan ka tix raacay, waad sixi kartaa ,dhaliili kartaa,aragtidaada ku kordhin kartaa, aragtidaadu waa muhim……





Qore: Prof. Yahya Sh. Amir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *