Uncategorized

Magaca iyo Sawirka Sargaalkii Hogaaminayay Afgembigii Fasilmay ee dalka Turkiga oo la Shaaciyay

iftineducation.com – Wakaalada Wararka u faafisa dalka Turkiga ee Anadolu , ayaa goordhaw shaacisay Magaca sargaalka la tuhmayo in uu hogaaminayay Afgembigii fashilmay ee xalay sameeyeen Ciidamo katirsan Milatariga Turkiga.


Sargaalka Hogaaminayay Afgembiga Fashilmay ayaa magaciisa lagu sheegay Colonel Muharrem Kose, waxa uuna sargaalkan katirsanaa Hogaanka Ciidanka Milatraiga dalka Turkiga.








Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu , ayaa sheegtay in la xiray 754-qof oo isugu jira Saraakiil iyo ciidamo katirsan Milatariga Dowlada Turkiga, kuwaa oo ku lug lahaa Afgembigii dhicisoobay ee xilka looga tuuri rabay Madaxweyne Erdogan.




Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Colonel Muharrem Kose, oo ahaa maskaxdii ka dambeesay Afgembiga fashilmay uu baxsad ku jiro, ciidamada amaanka ayaana baadi goob ugu jira sargaalkan iyo kuwa kale oo wax ka hogaaminayay Afgembiga.


Dad ka badan 60-qof oo isugu jira Ciidan iyo shacab ayaa lagu dilay xalay ilaa saakay dalka Turkiga intii uu socday afgembiga Fashilmay, Waxa uuna Madaxweynaha ku hanjabay in tilaabo adag laga qaaddi doono dadkii ku lugta lahaa Afgembigan fashilmay.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *