Uncategorized

Magaalo muslimiinta lagu dhibo oo Dab qasaaro xogan geystay ka kacay

iftineducation.com – Dab xoogan oo maalintii jimcaha ka kacay meel ku dhaw magaalada Los Angels gobalka California, ayaa kusii fidaya dhul hor leh oo kuyaala dhulka keymaha, waxaana dabka uu yahay mid si xoogeesanaya
Sida ay baahinayaan Warbaahinta Mareykanka dabkan ayaa sii xoogeestay waxa uuna kusii fiday dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 4.450 hektar, waxaana dabkan uu sababay in boqolaal qof ay ka barakacaan guryahooda iyaga oo ka cabsi qaba in uu dabku soo gaaro.


Ciidamo kun ka badan oo ah kuwa dabdamiska iyo kahor taga qataraha oo la geeyay halka uu dabku ka socdo ayaan wali ku guuleesan daminta dabkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadan oo adeegsanaya diyaarado iyo gaadiidka dabdamiska ay damiyeen 10% dabkaasi.


Wali laguma guuleysan hase ahaatee dabkan ayaa u muuqanay mid baaxadiisa aad u sareyso kaasi oo lafilan karo inuu geysto qasaaro aad u badan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *