Uncategorized

Jaceylka dhabta ah ma dhamaado: Irina Shayk oo difaacday Cristiano Ronaldo

iftineducation.com – Xidigta Modelka ah ee wadanka Russia, Irina Shayk ayaa ka hadashay arinta dooda badan abuurtay ee la xiriirta ninkii ay saaxibka ahaan jireen ee Cristiano Ronaldo.


Ronaldo ayaa wajahaya dhibaato badan asbuucan kadib markiii uu sameystay xaflad,dhalashadiisii 30 aad xili Madrid ay u baroor diiqeysay qasaaradii ka soo gaartay daris cadaaweedkeeda Atletico Madrid.


Jariirada Sports Illustrated ayaa weydiisay Irina Shayk sid ay u aragto arintaan “waxaan aaminsanahay oo aan ku tilmaami karaa cadaalad daro lagu sameynaayo Ronaldo ayey tiri Sheyk.


Qaar ka mid ah xiddigaha Real Madrid ayaa ka qeyb galay xafladan inkastoo Gareth Bale uu dooqday in uusan ka qeyb galin.


Shayk iyo Ronaldo ayaa saaxiib ahaa mudo 5 sano ah ka hor intii aaney kala harin bishii la soo dhaafay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *