Uncategorized

dumarka kacsiga badan sidaan ayaa loogu raaxeeyaa

iftineducation.com – Gabadha xalaasha aad ku qabtid, waqti kasta iyo meel kasta oo jirkeeda ka mid ah ayaad kaga raaxaysan kartaa?




Inta aynan u gudo gelin,ka hadalka mowduuceena maanta oo ku saabsan isutagga labada is qabta oo si xalaasha ah isku qaba aan caddayno, in diinteena islaamka aysan jirin wax ay ka tagtay,macnaha wax walba wuu ku dhan yahay, Allah wuxuu yiri: kitaabka (qur’aanka) wax aan ka tagnay ma jiro,macnaha wax walba waa laga helaya (suuradda Al-Ancaam, aayad lambar 38), qofka muslimka ahna ma aaminsana in diinta wixii laga rabana laga qaato,wixii aan laga rabina laysaga tago, Allah wuxuu yiri:kuwa ku kufrinaya Allah iyo rusushiisa ayna doonayaan in ay kala saaraan Allah iyo rusushiisa,waxay leeyihiin:qaar baynu rumayni qaarna weynu diidi (suuradda Annisa’, aayad lambar 150), sidoo kale qofka muslimka ah ma aaminsana in diimaha kale wixii ka icana laga soo qaato wixii aan ka icnayna laga tago,taasi macneheeduna waxay noqonaysa in diinta islaamka aysan dhammaystirnayn oo u baahan kabid,Allah wuxuu yiri:maanta ayaan idin dhammaystiray diintiina, waxaana korkiina idinku taam yeelay nicmadeyda, waxaana idinka raalli noqday islaamka (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 3).


Galmada ama isutagga ninka iyo naagta oo si xalaasha ah isku qaba waxay kordhisa jacayl iyo degganaan, waxay abuurta kalsooni iyo kala danbayn,waxay nafsadda labada qofood gelisaa farxad iyo fayoobi, hayeeshe jugta iyo jacda joogtada ah ee u dhexeeya labada is qaba waxaa sabab u ah waxyaabo fara badan, waxaana ka mid ah:hadduu ninku uusan naagtiisu ka maqsuudin karin dhinaca galmada iyo raaxaysiga, sidoo kalena naagta waa in ay ninkeeda maqsuudisa una raaxaysaa,caalimkii ibnu qayim Allaha u naxariiste, wuxuu kitaabkiisa daawada nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu ku sheegay:in takhaatiirta fadliga badan ay caddeeyeen in galmada ay ka mid tahay waxyaabaha uu qofku ku helayo  maad wanaagsan,waxaa kaloo si cilmi ah loo ogaaday in buuqa ama qaylada uu yahay cadowga kowaad ee rabitaanka galmada, qoysaska intooda badana waxaa ka dhex jira qaylo iyo buuq, taasoo hakad gelin karta raaxaysiga labada dhinac,waxaa kaloo la xaqiijiyay in buuqu uu keenayo in galmadii qofka (nin iyo naagba) ay ka yaraato ama in uusan danba ka gelin wax isu tagid ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *