Uncategorized

Dowladda Masar oo Hub iyo Gaadiid Dagaal ku Wareejisay Ciidamada XD Soomaaliyeed (SAWIRRO)

iftineducation.com – Saraakiil ka socotay dalka Masar iyo Safiirka Masar u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa maanta Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku wareejiyay hub iyo gaadiid dagaal oo cusub.


Gaadiidkaan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa ay isticmaalaan ciidanka oo isugu gaadiid dagaal iyo gaadiidka Abmalaaska.


Masar oo Hub & gaadiid ku Wareejisay Soomaaliya-4


Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/qaadir Shekh Cali Diini ayaa sheegay hubkaan iyo gaadiidkan inay isticmaali doonaan ciidamada kumaandooska Qaranka ee Danab.


Wuxuuna uga mahadceliyay Dowladda Masar garab istaaga ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada Qalabka Sida.


Saanada Millateri iyo gaadiidka ayuu Wasiirka Gaashaandhiga wuxuu ku wareejiyay Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo isaguna goobtaasi ku sugnaa.


Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay dowladda Masar soo gaarsiisay, wuxuuna sheegay in qalankani uu ay wax weyn u tari doonaan ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.


Masar oo Hub & gaadiid ku Wareejisay Soomaaliya-11


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *