Uncategorized

Dagaal hub culus leysu adeegsanayo oo caawa ka socda magaalada

iftineducation.com – >Dagaal qaraaran ayaa waxa uu caawa ka socdaa magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo hub culus leysu adeegsanaaya ayaa waxa uu u dhexeeya ciidamad AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka iminka socda leysu adeegsanaayo Hubka culus, hubkaasoo ku dhacaaya qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.


Dagaalka ayaa bilowday kadib markii AMISOM ay weerar xoogan ku qaadeen magaalada Qoryooley oo galabta ay la wareegeen maleeshiyaadka Al-shabaab.


Ciidamada AMISOM ayaa duqeymo gaar ah kuwada goobaha fariisimaha u ah maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa ayna sidoo kale wadaan dagaal fool-ka-fool ah oo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka.


Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa iyaguna adeegsanaaya Hubka culus waxa ayna sidoo kale isku dayayaan inay difaacdaan magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Lama oga khasaaraha rasmiga ah waxaana wali socda dagaalka oo caawa Hurdada u diiday dadka deegaanka.







Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *