Uncategorized

Daawo Sawirada” Shacabka Turkiga oo bilaabay in ay Garaacaan Askartii ku fashilantay Afgembiga

iftineducation.com – Daawo Sawirada” Shacabka Turkiga oo bilaabay in ay Garaacaan Askartii ku fashilantay Afgembiga


Shacabka Turkiga ayaa bilaabay in ay gacmahooda uga ciil baxaan ayna garaacaan askartii ku fashilantay in ay Afgembiyaan Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Rajab Dayib Erdogan.




Muuqaalo iyo Sawairo laga baahiyay Warbaahinta Caalamka ayaa muujinaya Shacabka oo si xoogan u garaacaya qaar kamid ah askartii ku fashilantay Afgembigii Turkiga ka dhacay , waxana askartan qaarkood gacanta kusoo dhigay hubkana ka dhigay Shacabka Dalkaasi.




In ka badan 1,500 oo isug jirta Saraakiil iyo askar katirsan Milatariga Turkiga ayaa loo xiray Afgembiga fashilmay, waxaana shacabka Turkiga muujiyeen sida ay uga soo horjeedeen Afgembigaasi oo dhiig badan uu ku daatay .





Dad ka badan 90-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xalay ilaa saakay intii uu socday Afgembiga Fashilmay, waxaana dadka dhintay ku jira Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah oo taageersanaa Madaxweynaha Turkiga.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *