Uncategorized

Daawo Sawirada” Shacabka Turkiga oo isku dhigaya Dushana ka fuulaya Taangiyada ay Milatariga Wataan

iftineducation.com – Dalka Turkiga waxaa wali ka taagan xaalad kacsanaan ah, waxaana Magaalooyinka Istanbuul iyo Ankara qeybo kamid ah laga maqlayaa Rasaas culus iyo qaraxyo ay ridayaan Ciidamada Afgambiga isku dayaya iyo Ciidamo taabacsan Dowlada.


Kumanaan kun oo dadweyne ah aadna u taageersan Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa wadooyinka magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul isugu soo baxay, kuwaa oo muujinayay in ay taageersan ihiin Madaxweynaha iyo Dowladiisa.




Shacabka oo wata calanka Turkiga ayaa bilaabay in dusha sare ka fuulaan Taangiyada ay wataan Ciidamada Milatariga ee doonayay in ay afgambi sameeyaan, waxa ay sidoo kale dadka qaarkood isku dhigeen horna jiifteen Taangiyada.




Warbaahinta ayaa baahinaya Taageerayasaha Madaxweynaha oo baabuurtooda ku xiray Wadooyinka qaar si aysan halkaasi usoo gaarin taangiyada, waxaana wali banaanbaxyo iyo rabshado kasocdaan Wadooyinka Ankara iyo Istanbuul.


Afgambiga oo u Muuqda in uu dhicisoobay ayaa waxaaka dhashay qasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana Ciidamada Milatariga ay dileen Saraakiil katirsan Ciidanka booliiska iyo dad kale oo shacab ah.




Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in dad badan oo Afgambiga ku lug lahaa la xiray walina ay wadaan howlgal, waxa uuna tilmaamay in ay ciqaab adag mari doonaan kooxihii ka dambeeyay afgambiga dhicisoobay.




Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa kasoo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul, waxa uuna ugu baqaay dadka in ay banaanka usoo baxaan kana hortagaan Afgambiga.


Waxii Warar ah ee kusoo kordha Xaalada Turkiga kala Soco Warrakayaga Dambe Insha Allah


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *