Uncategorized

Daawo Muuqaal “Faah Faahin ku Saabsan Shan Dhalinyaro Soomaali oo u Socotey Masaajid oo lagu Weeray Minneapolis !!

iftineducation.com – Shan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u Socotey Masaajidka ayaa waxaa la sheegay inay rag Cadaan ah oo Hubeysan ay ku weerareen magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka ayadoona ay halkaas ku dhawacmeen laba ka mid ah Soomaalidaas


Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaareyso 5 qofood oo ku Labisnaa Qamiisyo ayaa waxaa la sheegay inay fal Cunsurinimo ah ay kala kulmeen kooxo Cadaan ah oo hubeysan, Dhalinyaradaan oo ku socotey Masaajidka lagu magacaabo Abubakar As-Saddique ee ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka xilli dambe oo habeenkii ah si ay ugu soo Cibaadeystaan bisha Ramadaan ayaa baabuurkii ay wateen waxaa soo abaaray rag Cadaan ah oo hubeysan oo tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen ilaa 2 qofood kuwaas oo halkaas ka bilaabay inay aflagaadeeyaan Muslimka, Dhalinayaraadaan ayaa waxaa ay dareemeen inay ragaan oo hubeysnaa ay raadinayeen marmarsiiyo ay ku toogtaan iyadoona uu Darawalkii baabuurku uu isku dayey inuu halkaas ka baxsado laakiin ay ragaas Toogteen waxaana halkaas uu dhaawac ka soo gaarey 2 ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee baabuurkaas la socotey.

Ugu dambeyntiina iyadoo dhalinayaradaas Soomaaliyeed uu dhaawac ka soo gaarey falkaas Cusrinimada ahaa ayaa waxaa uu dhaawacoodu uu ahaa mid ka soo gaarey dhanka lugaha, Xuseen Geele oo ka mid ahaa dhalinyadii ku dhawaacantay falkaas Cunsurinimada ahaa ayaa waxaa uu sheegay inay ragaas ay raadinayeen ama ay damacsanaayeen inay dilaan, Af hayeen Ururka Muslimiinta ee dalkaas Mareykanka ee lagu magacaabo CAIR wakiilka ugu ah gobolka Minnesota Jeylaani Xuseen ayaa waxaa uu Booliiska iyo FBI dalkaaas Mareykanka uu ka codsaday inay arinkaan ay baaraan islamarkaana ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey falkaas ku dhisnaa isir naceebka ee lagula kacay dhalinyaradaas Soomaaliyeed. 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *