Uncategorized

Careys Ciise Karshe

iftineducation.com – Tarriikhda Abwaankii waynaa ee Carays Ciise Kaarshe (A.U) Careys Ciise Kaarshe oo ahaa saaryahan weyn oo Soomaaliyeed wuxuu ku dhashay “dhuusamareeb ” halkaas oo uu aabihii ku tagay qaab askarinimo ah asgoo ka mid ahaa saraakiishii talyaaniga la shaqeyneysay, midaasna waa mida keentay inuu helo careeys wacyi farabadan kuna caawisay inuu noqdo mid u taagan qarinimo buuxda, careeys wuxuu ahaa geesi buuxa oo waliba gobanimadu kala weyntahay waxkastoo yaala guudka dunida.




Sida la wariyay Careys wuxuu ahaa Wiilkii seddaxaad oo uu dhalay Ciise Kaarshe, wuxuuna ku barbaaray Miyiga dhuusamareebeed, halkaas oo ah xudunta gobolada dhexe laguna sheego ineey tahay meel ku caan oraah saafi ah, waana mida mida ku caawisay inuu noqdo afmaal caan ah.




Careys Ciise wuxuu ahaa xoola raac si walba ula qeybsaday dhib iyo dheefba beesha uu la noolaa. Intaa waxaa u wehelisay in uu Quraanka Kariimka ah si fiican u yaqiin maadaama uu ahaa wadaad.


Careys Ciise Af-maal nimada ka sakow wuxuu ahaa nin Wadani ah oo mar kasta jecel bulshaweynta Soomaaliyeed in uu waajibka saaran ee Qaranimo ku booriyo, ugana digo wax kasta oo uu isleeyahay waa qalad. Careys Ciise wuxuu Fanaaniinta Waabari ku soo biiray amaba ka mid noqday lixdameeyadii markii labada gobol ee Soomaaliyeed Midoobeen. Careys wuxuu ka mid noqday Kooxda Waabari markii uu wacdaro layaab leh ee Suugaaneed uu ka muujiyay Munaasibaad lagu xusayay isku darkii labada gobol Waqooyi iyo Koonfur, Xafladaasoo lagu Maamusayey israaca Labada Gobol laguna qabtay Gobolka Jubbada Hoose Magaalada Kismaayo. Xafladaas waxaa ka soo qeeb galay Wariirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Warfaafinta, Ujeeddada waftigana waxay ahayd inay kala qayb galaan dadweynaha ku nool Gobolka Jubbada Hoose, fantasiyaha damaashaadka maalinta kowda Luuliyo. Waftigii waxaana ka qeeyb ahaa suugaan-yahanadii madasha ka hadlay Careys Ciise iyo koox dumar ah oo isaga wehelisay, watana dharkii Hiddaha iyo dhaqanka aanu u lahayn. Careys Ciise fagaarahaas wacdaro aan la soo koobi kareyn ayuu ka muujiyay, wuxuuna tiriyay saar ku saabsan Munaasibada kowda Luuliyo. Waxaa kale oo uu halkaa ka tiriyay Saar ku saabsan waxa uu Ingiriisku u hortaagan yahay xornimada N.F.D. wuxuuna yiri sidatan :


Afrika iyo Eeshiya Iyo orobaba dhamaan Iyaguba way noo ordaye Maxaad Ingiriis adigu Albaabka u taagan tahay Eed Soomaalida u adyadeyn


Naxariistii Jano illaah ha ka waraabiyee Careys Ciise wuxuu ahaa ruux af-gaaban, waxse balaarneyd xigmaddiisa maanseed ee Eebbe ku manaystay, mana ahayn dadka wax ku allifa qoraalka, ee wuxuu ahaa dadka aan u fikirin maansada oo markii uu doonaba soo gaddiyo xigmadda maskaxdiisa ka buuxdo. Careys Ciise wuxuu ahaa nin aad u nadaafa jecel had iyo goorna wuxuu xiran jiray oo u caada ahayd Macawis, Shaar gacma dheer ah, kabaha nooca loo yaqaano sandalka, Koofiyad, Cimaamad uu garabka saarto iyo ul xardhan oo aad u quruxsan. Illaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa nin aad u deggan oo iimaan wanaagsan, hammigiisuna wuxuu ahaa Qaranimo, waddaninimi iyo Hagaajin dhaqan. aad iyo aad wuxuu u aaminsanaa shaqadu in ay tahay xaq, la’aanteedna in bulshadu horumar aysan gaari karin.


Careys Ciise Kaarshe wuxuu ka mid ahaa kooxdii lixaad ee Hobolada waabari oo gashay Dugsiga Tababarka Xalane 1972dii, halkaas oo lagu barayay Tababarka Ciidamada iyo Maamulka Shaqada. Careys inkastuu ahaa nin waayeel ah, haddana niyadiisu aad iyo aad ayey uga wanaagsaneed kan dhallinyarada, wuuna ka firfircoonaa mar kastana wuxuu jeclaa in uu ilaaliyo Magaca kooxdiisa Waabari. Careys Ciise Maalin Maalmaha ka mid ahayd isaga oo gudanaaya shaqadiisii tababarka ahayd, ayaa wadna-xanuun ku soo booday. Maalintaas taariikhdu waxay ahayd 6-6-1972dii Maalin Arbaca ah, waxaana isla markii loola cararay Isbitaalka Xoogga, halkaas oo uu ku nafwaayay 6-8-1972dii. Careys Geeridiisii Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto aad ayey uga murugoodeen, xabaashiisiina si fiican oo sharaf iyo xurmad mudan ayaa loo qabanqaabiyay, loogana soo qeyb galay. Careys wuxuu ifka kaga tagay qoys ka kooban lix qof. shan caruur oo isugu jirta Afar wiil iyo Gabar, iyo Hooyadood. Careys Ciise in kasta oo uu dhintay, maantana nala joogin oo noo muuqan, haddana Taariikhda Suugaaneed ee Ummadda Soomaaliyeed marnaba lagama yaabo in ay hilmaanto kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka galay. Taasaana keentay in lagu xuso Qoraal kasta oo laga qoro Suugaanta Soomaaliyeed.


waxaana ka mida oo aad loo yaqaan saararkiisana ka mida


Hooyadu waa lama huraan
Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo..
Gumaysi iyo Gobonimo ma laba la is garab dhigaa..?
Dhulkeennu waa Magool mirey geeduhu dhaleen..
Wan iyo Waraabe, iyo qaybo badan oo wadaniyadda taabanahaya.
Waa taariikh aad u fiican in wax laga ogaado ee fadlan haddii aad jeceshahay inaad wax ku darted raaci bogga hoose si aan wax uga ogaano ku darniinkaada. Mahadsanid Careys Ciise Kaarshe waxa uu ahaa saaryahan weyn wuxuu ku dhashay magaalada dhuusamareeb, Saarka Hooyadu waa lama huraan.


Higaad waa la akhriyaa
Hagaag waa loo socdaa
Hor waa loo sii hoydaa
Hadal waa la hindisaa
Ha’dii kale waxaan lahaa
Mudaan uurka hurrudnoo
Culays bey hayn jidhoo
Talaabtey la hakatoo
Xanuun bey la hingatey
HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
Ha’dii kale waxaan lahaa
Habeen goor uu bartamay
Caanihii bey nagu habtoo
Horaadkeey noo dhigtoo
Dharkii bey na huwiseye
HOOYADU WAA LAMA HURAAN!




Calooshaadoon hif oran
Adiga oon ka haqabbi’in
Hunguri ma haweeysatee
HOOYADU WAA LAMA HURAAN!




Habaaq goor aad tahayo
Talaabta aan la holi karin
Adoo ciidii hambaday
Dhaqsaba waa ku hinjisaye
HOOYADU WAA LAMA HURAAN!
Afkaa aan ku hadalniyo
Hannaankeeniyo hub qaad
Hagaag bey noo bartey
HOOYADU WAA LAMA HURAAN!




Innaga oon haybad qabin
Hal beesa aan suubsan karin
Habaaskeey naga huftoo
Waa tii noo hiilisaye
HOOYADU WAA LAMA HURAAN!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *