Uncategorized

Cadayga cudurada uu ka hortago

iftineducation.com – Cadayga cudurada uu ka hortago, Cadayda ama rummayga wuxuu ka mid yahay waxyaalaha dadka badankooda ay illowsan yihiin waxtarkiisa, marka aad adayga si fiican ugu cadaysanayso ilkaha aad ayay nadiif u noqonayaa, way adkaanaysaa ilkaha inay kaa dhacaan, 




xitaa haddii aad gaarto da’ aad u weyn, waayo qofka markuu cuntada cuno waxaa galaya cirridka iyo ilkaha inta u dhexaysa haraaga cunta, 




markaas ayay yeelanaysaa ur af urka meesha ayuu ka bilaabanayaa, cuntadaas meesha ku jirto waxay sabab u noqonaysaa qofka inay ilkihiisa burbur u gaysato, daawada af urka waxaa la dhihi karaa waa cadayga inaad laasinto, 


haddii aad rabto inaad ilaaliso caafimaadka ilkahaaga, waannu wada og nahay cadayga inuu sunnada nabiga ka mid yahay nabadgalyo korkiisa ha haatee salaad kasta ayaa habboon qofka markuu weysaysanayo inuu cadaysto is uu u helo ajarka aakhiro oo uu cadayga leeyahay,  




cudurka yiridka oo ah cudurada ciridka ku dhaca, uma soo dhowaado qofka mar kasta afkiisa nadiifinaya, 


bisha ramadan cadayga waa loo baahan yahay in lagu dadaalo, waayo urka afka siiba marka salaad jameeco aad la tuknaysid ma aha dadka inaad ku dhibto, marka waxaad ogaataa nadaafada afka inaysan sahal ahayn. 


xitaa xaaskaaga marka aad dhunkanayso waxaa lagaa rabaa inaad soo cadaysato, 


sidee baad afkeeda u dhuuqaysaa adoo afkaaga aan nadiif ahayn, raaxada ayaa idin ka halaabayso.


cadayga ku dadaal waligaaga haka harin


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *