Uncategorized

Video: Waa gabar soomaali Guur doon ah Waraysi toos ah daawo

iftineducation.com – Waxaa qoraal nasoo gaarsiisay gabar Soomaaliyeed oo rabta talo celin inay ka hesho Shabakada iyo aqristayaasha qiimaha badan ee ku xiran.


Haddaba fariinta gabadhaan ayaa u qornayd sidaan:-




Waan idin salaamay waxaan ahay gabar soo martay guur hore waxaan oran karaa waan guur habaabay waxaana ay igu soo martay si degdeg ah aqoontaydu waa dugsi sare waxaana haystaa gabar aan dhalay waxaana iheysta 2 arimood oo kala ah:


Mida hore waa furiinka oo igu noqday dhibaato maskax ahaan.


Mida labaadna waxaan rabaa inaan guursado balse nasiib darro waxaan waayay cid aan aamino inta badan ragu waa beenaalayaal, raga soomaalida way adagtahay in laga helayo nin nadiif ah.


Shabakadu waxa ay ku ku siineysa Dhoor talo, Mida koowaad, waxaad tiri waxaa maskax ahaan isaameeyey furiinkii, waxaan fileynaa inaadan sabab u ahayn in lagu furo, maxaa yeelay sidaas ma dhahaan dumarku, yaysan ku niyad jabin xaalka aad ku nooshahay, hadii aad fiiriso dad kale oo badan oo kaa liita, maadaama aad caafimaadna qabto ilmana wadato, siiba gabar oo ah mid aad u bilaysa guurkaaga danbe.


Mida labaad, walaal ragu kuligood maahan beenaalayaal, waxaa ku jira mid fiican iyo mid xun, dhib aad la kulantay iyo rag aad dhaliishay oo aad la dhaqantay yeysan kaa indhotirin akhyaar mudan oo raadinaysa adigoo kale oo khibrad leh, waxaad tahay qof garanaya meesha uu ka anbaqaadi karo nolol cusub, mana kula tartami karaan kuwa cusub oo aduunka ku wareersan, hadii aadan adigu isliideyn.


HALKAAN KA DAAWO RIIX


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *