Uncategorized

Talooyin Ku Socda Gabdhaha Ku Jahwareera Raga ay Guursan Lahaayeen, iyo Xulashada…

iftineducation.com – Gabadh kastaa markay gaadho da’da guurka waxay qalqaalo iyo tabaabushe u gashaa sidii ay u xulan lahayd qofkii ay nolosha la qaybsan lahayd, isla markaana waxay sahamin iyo baadhis ku samaysaa ragga, iyada oo ka dhex raadinaysa dhiggeeda ay is leedahay wuxuu kuu horseedi karaa nolol wanaagsan.
Si gabadhu uga badbaado jahwareerka ku dhaca xiliga ay rabto inay xulato qofkii nolol wanaagsan u horseedi lahaa waxa lagama maarmaan ah inay ninka ku xulato tijaabisana inu ku sifaysan yahay arrimahan soo socda ee  Heegan24.net ay u hayso hablaha guurdoonka ah kuwaa oo dayr iyo xijaab uga noqon kara in ay isqoomamayso guurka ka dib Ninka ku wanaagsan diinta:
Uma jeedo ninka diinta si fiican u yaqaan ee aan ku camal falin, laakiin waa ka ku camalfala una hogaansama awaamiirta ay diinta islaamku farayso kana feejigana inuu sameeyo wixii xumaan u horseedi kara. Maskaxda ku hay ninka Illaahay ka fog inaanu ku wanaajinayn, wuu ku dulmi, xaqaagana wuu duudsiyi, waxa aad u eegtaa akhlaaqda uu diinta u leeyahay waana tan arrinta u mihiimsani.
Ninka hantida leh: Iska hubi inuu reer masruufi karo oo uu dhaqaale ahaan awoodo inuu reer dhaqo, waxa lama huraan ah in hadii uu ninku reer dhisaayo uu haysto dhaqaale fiican, maxaa yeelay waxa uu Ilaahay ku waajibiyey raggu inay haweenka masuul ka yihiin labiskooda iyo quudkoodaba, sidaa awgeed sabool kama soo bixi karo wajibaadkaas.
Ninka waalidkii iyo ehelkii wanaajiya: waa ninka marwalba wanaajiya una samafala waalidkii, waa ka xidhiidhiya ehelkiisa iyo qaraabadiisa, waa ninka marwalba waano iyo wax sheeg la hortaagan qaraabadiisa, waa ka waalidkii fara wanaaga, xumaantana ka ilaaliya una hogaansan waxa ay waalidkii faraan ee aan xumaan iyo xad gudub ahayn.
Ninka beenta badan: Iska ilaaalin ninka beenta badan, Heegan24.net ayaa ku leh ka digtoonow ninka aaminsan maahmaandan; “Dumar beenbaa lagu soo xero galiyaa, runa waa lagu dhaqaa.’’ Wuxuu kugu haasaawin been aan jirin waanu kugu dhisi, hadhowna run kuu sheegi mayo waa nin kalsoonidu ku yar tahay, waana nin diciifa ragganimana ka dheer, waa bakhayl runta kaala masuugay maxaad kale ka sugaysaa.
Ninka akhlaaqda fiican: Akhlaaqda iyo dabeecadaha wanaagsani waa kuwa dhisa reer, akhlaaqda wanaagsan ee ninku waxay wanaajisaa guriga waxay horseedaa naxariis, kalgacal iyo xiiso joogta ah, waxay xoojisaa isku duubnida lammaanaha iyo wax-wada-qabsiga, waxay meesha ka saartaa naxliga iyo dhibaatooyinka horseeda bur burka qoyska.
asss
Ninka kuu qalma: Ha guursan ninka aadka kaaga weyn, laakiin raadso nin aad isku fac tihiin, sidoo kale ha guursanin ninkaad ka cilmi iyo aqoonta badan tahay, waayo waxa xaqiiq ah inaydaan isfahmayn, isku day inaad nolol la wadaagto nin da’a ahaan kuu dhaw, isla markaana kaa yaqaan dhinaca cilmiga diiniga iyo maadigaba.
Ninka wax garadka ah: waa ninka had iyo jeer la jaan qaadi kara wajiyada cusub ee ay noloshu leedahay, waa ninka idheer garadka ah ogna in dhibaato kastaa xal leedahay, waa ka had iyo jeer meel dheer wax ka eega aqoonna ka korodhsada casharada uu ka barto nolol maalmeedkiisa.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *