Uncategorized

Suxufiyadda Sagal Salaad Cismaan oo goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho..

iftineducation.com – Allaha u naxariistee Sagal Salaad Cismaan oo ka tirsaneyd Suxufiyiinta ka hawlgasha Radio Muqdisho, ayaa waxaa galabta lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.


Rag hubeysan, ayaa gabadhan ku weeraray agagaaraha Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan, xilli ay markaas uun ka soo baxday jaamacad ay wax ka baraneysay.


Raggan oo aan heybtoodu si buuxdo loo aqoonsan, ayaa dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi, waxaase daqiiqado ka dib gaaray ciidamada ammaanka ee Dowladda Somaliya.


Wakaaladda Wararka SONNA oo ku hadasha afka Dowladda Somaliya, ayaa tebisay in ragga dilka gaystay ay wateen mooto bajaaj.


Sagal, ayaa korineysay carruur yar yar oo la dhalatay, wixii ka dambeeyay markii ay hooyadood geeriyootay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *