Uncategorized

qiso jaceyl dhimasho

iftineducation.com – Maansadani waxay ku saabsan tahay qiso qofayn ah oo male-awaal ku dhisan. Waxa ku wada sheekaysanaya qof nool, iyo qof dhintay. Waxa curiyey oo


maankiisa iyo maskaxdiisa ka tuujiyey halabuurka da’da yar ee Cali Maxamed Ibraahin(Cali Dhanaaniye). Waxay tidhi:

Beri aan dhoweynbaa

Dhamoo wiil samaaliyo

Dhool ays haleeleen

Kaftanka iyo dheeshba

Saa waxa u sii dheer

Dhag-dhagta iyo qosolkiyo

Soo dhoweynta barashada

Iyo dhibic jacayloo

Midba dhinac ku helayoo

Uu dhaawicii qabo

Aduun wuu dhanqalanyee

Waxay jacayl dhiteeyaan

Ka gudbaan dharaar adag

Dhoolbaa waxay tidhi

Dhoof maraykanaan helay

Beri taan dhaqaaqiye

Aad isii dhowayside

Dhammoow waankusugayaa.

Dhaqaaqa iyo socodkiyo

Dhoofka iyo oradkaa

Dhamme wuu ka naxayoo

Waxa uu dharaartaa

Dhawr jeer ku yidhi hadal

Dhabti waan ku jeclee

Dhooleey walaal joog

Dhoolbaa waxay tidhi

Dhoof anigu maan rabin

Waalidkii i dhalaybaa

Dhoof ila jeclaadee

Waan dhaqaaqi doonaa

Inaan dhiman allaa oge

Aad isii dhoweyside

Dhammoow waan ku sugayaa

Dhamme qaaday taladii

Wakhtigaa la dhaafyoo

Waagii baa dhalaaloo

Dhamoo aan habeenkaa

Dhabankaba hurdada dhigin

Ayaa dhool u yimiyoo

Ka wer weraya dhoofkaa

Muuqiisu dhalan rogan

Farxadiyo ka dheer qosol

Dhool wayla socotaa

Xaaladaha dhibaatada

Deg-degiyo dhaqaaqii

Dhool sow kumay tegin

Dhufatoo diyaaradii

Dabaylaa dhirbaaxoo

Ka dib laba dharaarood

Dhanbaalkiyo wargeysyada

Sow dhimashadeedii

Dhamme looma sheegayn

Waayaha dhufaanka

Dhool dhimashadeedii

Markay dheguhu qaateen

Kaymaha dhir weyntiyo

Libaaxiyo dhurwaagiyo

Bahalaha dhul meerkaa

Ayuu Dhamme la noolaa

Ku dhowaad 6 sanadood

Oo uu ay dhex joogaa

Dhalan-dhoolka waayaha

Isagoo dhexmarayaa

Riyo dhool ku timiyoo

Hadal aysu dhiibeen

Dhamme wuxuu ku yidhi dhool

Asluub badaneey dhooleey

Dhawr sanida edebtiyo

Dhaqankiyo xishood kiyo

Samahaad u dhalatoo

Filkaabaad wax dheerayd

Ka hor dhimashadaadii

Waankaa dhursugi jirey

Dhabtii ku maan ilaawine

Jacayl dhaawiciisii

Ma dhadhamiyo oontoo

Allaylkiyo dharaartii

Dhankaad iga jirtaabaan

Ani soo dhuganayaa

Dhibtaan aawadaa qabo

Dhigaygii maraacoo

Dheser lama degaaniyo

Meelaan dhuuryo mooyee

Wax dhaqaaqayaa jiran

Oo aan dhuuni lagu cunin

Awgaa dhex qaadaa

Dhaxanbaa i haysoo

Dhamacbaa igu baysoo

Gacal waanka dheeroo

Dhalan dhoolka dunidaa

Iga tuuray qaw dheer

Meelaan dhoweyn baan

Dhex lugaynayaa weli

Dhimasho iyo nolol baan

Weli kala dhex joogaa

Dhoolbaa waxay tidhi

Dhimashaa ku sugaysoo

Dhaaxo wixii ku soo maray

Waad dhaafi doontaa

Ila dhadhami waayaha

Kolay waad dhimanaysaa

Dhabadiisa iilkiyo

Aakhiraad ku soo dhici

Dhamaa ku yidhi hadalkii

Dirir dhibic yo saydhiyo

Mayay baa i biyo dhigay

Dhoolbaa waxay tidhi

Meelaan dhibicba helin baad

Soo dhex qaadi doontaa

Dhaxanbaa ihaysiyo

Dhamacbaa igu baysiyo

Gacalbaan ka dheerahay

Dhayal baad u leedahay

Wixii aad dhib sheegtaba

Dhab ahaanti waad heli

Dhamaa ku yidhi hadalkii

Cirkiyo dhulka dhexdiisaan

Weli sii dhunbahayaa

Ka xiise dhacay aduunkoo

Mana nooli mana dhiman

Adiguna dhul hoosiyo

Qabribaad dhex jiiftaa

Dhanbaalkiyo waraaqaha

Iiga soo dhig dhigaysaa

Aniguna dhibaatiyo

Dhalan dhoolka dunidaan

Dheel dheeliyaayoo

Dhex lu gaynayaa weli

Kolay adigu dhimataye

Toyashada dhab ii sii

Dhoolbaa waxay tidhi

Dhanuunbay u dhacaysaa

Ogow anigu dhintayoo

Dhaq-dhaqaaqii dunidiyo

Siliciyo dhibtiisii

Dhakafaar ilaawoo

Xabaal baan dhex joogaa

Iil baan dhex jiifaa

Warka meelo laba dhiga

Ma dhegeysto reedhyow

Mii dhiyana lama socon

Anaa ehel ka dheeroo

Dhabadii cadaydiyo

Gurigii dhabta ahaa

Aakhiro u dhaadhacay

Gaban yohow dhigaa iyo

Ragii dunida dhoobnaa

Adaan kaaga dhoofoo

Qubuur baan dhex aalaa

Qaylo dhaanta baaqiyo

Dhanbaalkiyo waraaqaha

Kaaga soo dhidhigayaa

Dhawr jeer rog rogo oo

Dhifo oo markale dhugo

Dhaban daad ha noqonine

Eeg eego dhinac yada

Kolay anigu dhuuntaye

Toyashadii dhabta ahayd

Waa tane bal dheehoo

Dhegahana u raarici

Wakhtigaaga dhawroo

Salaadana u dheeree

Dhinac isu jejebis iyo

Dhaar dhaarashiyo been

Waa horaa la dhaafoo

Wixii kuu dhitaysnaa

Ayaad soo dhuranaysaa

Ooaad dhacranaysaa

Tallo kuu Dhammeeyaye

Adinkiyo af kaba dhawr

Aakhirana wax u dhigo

Samirkana ku dheeraw

Riyadii dhamaatoo

Isaguna dhan qalankii

Waaqliyo dhul buurluu

Dheel dheeliyaa weli

Hadafkii ka dhumaybuu

Weli dhirin dhirinayaa

Dhimasho iyo nolol buu

Weli kala dhex joogaa.



Allaa mahad leh ooii fududeeyay inaan curiyo soona gudbiyo

Abwaan Cali Maxamed Ibraahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *