Uncategorized

Part 2: Gabadhii indho shareerneed iyo rakaabka baska

iftineducation.com – Part 2: Gabadhii indho shareerneed iyo rakaabka baska
=====================


waxay inoo mareesay sheekada gabadha oo isiisay 100$ iyo iyadii oo ileh ha dagan walaal.


waxaan ku iri waxaa la soo gaaray meeshii aan ku dagi lahaa, waxay itiri waan ku baryaa walaashaa oo kale ayaan ahay i ixtiraam, waan yara beer jileecay hadane danta ay ka leedahay arintaan waa mid maskaxdeyda ka guuxeesa wali. ( sheekadaan aad aqrisaneeso waxaa maal galiyayshabakada www.iftineducation.com, kala soco warar sugan iyo sheekooyin jaceyl kuwii ugu danbeeyay)





Darawalkii ayaa i amray in aan albaabka gaariga soo xiro si aysan dad kale usoo raaciin, darawalka wuxuu qiimeeyay dadka gaariga saaran oo aan ka badneen 8 iyo gabadha lacagta ay gacanta ku heeso, wuxuu ka baqay hadii dad kale soo raacaan amee lacagta qeybta isaga kaga soo aadi laheed sii yaraataa inkastoo aan la ogeen gabadha in ay qeybin doonta lacagta ay gacanta ku heeso,
gabadhii way diiday in albaabka la xiro waxay tiri waxaan ahay gabar waana kaligey wax dumar kale ah ilama saarna,
aniga gabadha ayaan ku iri xaafadee dagantahay? duleedka Mogadishu (ceelasha biyaha). 
teleefoon ayaa usoo dhacay markale waxaa la amray bac ay wadatay oo ay dhabta u saarneed in ay ka fiiriso sheey, bacda awal midkeen xitaa ma uusan arkeen lkn amarkaas iyada la faray ayaan ku aragnay in ay wadato bacda, dhibka ugu wayn wuxuu yahay uma jeedno waxa ku jiro bacda lkn markaan teleefoonka waxay ku hadleeysaa af carabi “lahjada khaliijiga”, ereyga ugu badan ay adeegsato waa “jaahiz” “tamaam”, isla markiiba labadii shirka saarneed way dagteen malaha cabsidii baa sii badatay iyadane ma aysan dhihin maxaad idin helay oo aad u dagateen? aniga waxaan goaan saday in aan dagto sababtoo ah gabadhaan meesha ay naga afurin rabto ma ii cada waxaan isi iri talow qof gaari isku aragteen haye raac ha u noqon. ( sheekadaan aad aqrisaneeso waxaa maal galiyayshabakada www.iftineducation.com, kala soco warar sugan iyo sheekooyin jaceyl kuwii ugu danbeeyay)

Darawalkii ayee ku tiri maqaayadas ii jooji, waana maqaayad laba albaab leh dhan laga soo galo dhanka kale laga sii baxo, waxay tiri alaab ayaan ka soo qaadanayaa oo la ii diray ii dulqaado darawal, isaga oo dhoola cadeenaya ayuu ku yiri boss baa tahay waa lagu suganaa,, bacdiii ay wadatayne kursiga gaariga ayee uga dhex tagatay, waxaan is dhahnay afurkii ayee idiin soo wadaa iyo maqaayada ayee dhihi doontaa dad ayaan afurin rabaa, waa hadal aan isla dhex mareeno rakaabka iyo darawalka, waxaan sugno oo sugano qofna masoo socdo, aniga bacdii dhankeeda ayaan aaday si aan u taabto bacda waxa ku jiro, wadnaha dhug dhag dhug dhug ayuu i dhahayaa, markaan bacda taabtay bisinka waxaa ku jiro alle waxa ku jiro ………… 



( sheekadaan aad aqrisaneeso waxaa maal galiyayshabakada www.iftineducation.com, kala soco warar sugan iyo sheekooyin jaceyl kuwii ugu danbeeyay)



sawirka waa gabar falastiiniyad ah oo askari yahuuda qori ku haayo intuusan dilin kahor
sawirka waa gabar falastiiniyad ah oo askari yahuuda qori ku haayo intuusan dilin kahor





la soco qeybta 3aad habeen danbe inshaAllah


W/Q: daalac daahir shoot

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *