Uncategorized

Nin Soomaali ah oo lagu xiray Waqooyiga Finland, isagoo loo haysto in lacago uu u diray Al Shabaab..

iftineducation.com – Xoogaga ammaanka ee dalka Finland, ayaa xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah, iyadoo lagu eedeynayo in lacago uu u diray Ururka Al Shabaab ee dagaalka ka wada Somaliya.
Ninkan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa maalintii Jimcaha lagu xiray Magaalada Oulu ee waqooyiga Finland, waxaana hadda ku socda baaritaan.
Waaxda Dembi Baarista Finland (NBI), ayaa waxay qarka u saaran tahay in ay soo gaba gabeyso su’aalaha ay weydiinayso ninkaasi, sida uu qoray Wargeyska YLE.
Wargeyska oo soo xiganaya NBI, ayaa tebiyay in ninka la xiray uu bishii September ee sanadkii hore uun, uu soo galay dalkaasi Finland.
Bishii March, ayaa afar qof dalkaasi loogu xiray inay lacago u direen xubno ka kala tirsan Al Shabaab, oo ku kala sugnaa Somaliya iyo Kenya.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *