Uncategorized

Nin Soomaali ah oo afduub u qabsadey dad ka dukaameysanayey Walmart, gobolka Taxes ee dalka Maraykanka

iftineducation.com – Nin hubeysan ayaa gudaha u galay dukaanka weyn ee Walmert oo ku yaala magaalada Amarillo ee gobolka Texes dalka Maraykanka.




Warbaahinta gudaha ee gobolka Texes ayaa sheegaysa in ninka afduubka dadka ku qabsadey uu ahaa Soomaali waxaana uu dalabanyey in qaxooti ahaan loo qaabilo taas oo uusan horey u helin.


Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran SWAT Team ayaa goobta soo gaarey, waxaana u suurta gashey in ay dilaan ninka hubeysan, ee dadka afduubka u qabsadey sida lagu eedeeyey.


Booliska Magaalada Amarillo ayaa bartooda Twitter ku sheegay in dadkii la afduubtey ay bed qabaan lana diley qofkii afduubtey.

Boolisku waxay shegeen in baariton dheeraad ah uu socdo, ma aysan sheegin magaca qofka iyo da’iisa marka laga reebo warbaahinta oo ku sheegtey in uu yahay Soomaali.





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *