Uncategorized

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya (SAWIRRO)..

iftineducation.com – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku noolyihiin dad u badan Soomaali oo tiradooda lagu qiyaaso ku dhawaad nus malyuun qof. 


Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa Dhadhaab uga sii horreeyay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya. 


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho hawl-wadeennada hay’adaha Qarammada midoobay u qaabbilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, mas’uuliyiinta xeryaha iyo qaybaha bulshada Soomaalida ah ee ku nool xeryahaas. 


Dowladda Kenya ayaa goor sii horraysay shaacisay, in ay xirayso gabi ahaanba xeyaha qaxootiga Dhadhaab.





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *