Uncategorized

Ma jiraa xiriir ka dhaxeeya Xanuunka Baabasiirka iyo Kacsiga?

iftineducation.com – Inkastoo bukaannada qaba cudurka baabasiirka badankood ay aaminsanyihiin inuu keeno howlgab kacsi laakiin dhakhaatiirta kuma waafaqasana.
Inkastoo laga yaabo qalliimada lagu sameeyo ee mar mar dhif ah ay keeni karaan kacsiga uu yaraado muddo gaaban kadibna caadigiisa ayuu ku soo laabtaa.


Kacsiga oo yaraado waxa keeni kara waxyaabo badan oo ay ka mid tahay xanuunka, fakarka iyo walwalkaba. qof walba oo xanuunsan inuu kacsado lama filayo sidaa darteed waxay dhakhaatiirta ay aaminsanyihiin maadaama baabasiirka uu leeyahay futo xanuun qofkane hadduu uu kacsado xanuunka ku sii kordhayo cabsi uu ka qabo xanuunkaa ayay maskaxdu waxay gaaraysaa go’aan ah in kacsiga uu damo inta xanuunkaas uu ku welwelinayo.


Haddii aad isku aragtay kacsi yari qalliinka ka dib la xiriir takhtarkii qalliinka kugu sameeyay, inkastoo qalliinka cirbadda ee “sclerotherapy” uu u badanyahay inuu keeno kacsi yarida.


Hase ahaatee Baaritaano la sameeyay oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeyn kara Xanuunka Baaabasiirka iyo Kacsi la’aanta ayaan weli si rasmi ah la isugu raaci oo aan la isku waafaqin.


Tags:  baabasiirka, baabasiirka iyo kacsiga, baabasiirka maxa kena, babasiir, calamadaha babasiirka, xiriirka kacsiga iyo baabasiirka


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *