Uncategorized

Italy Oo Qiyaano Caqliyaysan Kaga Badisay Spain Kana Reebtay Euro 2016 , Xilli Ciyarta Dhamaan Ayay Ka Oohisiyeen Ramos Iyo Pique

iftineducation.com – Qaranka Italy ayaa qeybta hore soo bandhigay kubad cadaadis badan waxaana ka go`neyd in natiijada ciyaarta wax ka badalaan waqti hore.


Spain oo u muuqatay in ay ku adag tahay in jawiga ciyaarta la qabsadaan ayaa Italy waxa ay qaadayeen weeraro aan kala joogsi laheyn .


Goolal xaqiiq ahaa ayay iska cuneen halka qaarna uu u diiday goolhaye De Gea oo si cajiib ah u bad baadiyay fursado goolal ahaa
Spain waxaa ku adkeyd in ay gaaraan goosha Italy oo daafac adag ayaa u diiday balse hami waa uu ku jiray .


Guud ahaan marka la eego Italy ayaa ku dhaweyd in ay helaan goolka 1-aad maadaama ciyaartooyda Italy ay dhiggooda Spain u diideen in kubadda ay gasho cagtooda.


Dadaalkii Italy iyo cadaadiskii waxa ay ku keeneen gool ka dib kubad free Kick aheyd ayuu De Gea si cajiib u bad baadiyay una soo tufay balse daafaca Spain oo hurday ayaa waxaa fursad ku helay kuna celiyay goosha Spain Giorgio Chiellini kaasi goolka dhaliyay daqiiqaddii 33-aad.


Spain inkastoo isku dayo sameeynayeen hadana ma aheyn kuwo dhameystiran waxaana laga haystay kubadda xilli ay nuglaayeen gool labaad , waxaana nasiinada lagu aaday halkaas gool.


Qeybii labaad Italy dadaalkoodii ayay sii wadeen halka Spain biloowgii ku tiirsanayayeen kubadaha rogaal celiska ah waxaana daqiiqaddii 50-aad fursad gool loo turjumi karay ka cunay Alvaro Morata


Spain soo laabashadii wax aay horay u soo giliyeen Aritz Aduriz oo loo badalay Nolito halka Itay daqiiqadii 53-aad iyana ay badaleen Daniele De Rossi waxa ayan soo Thiago Motta


Italy oo fursado badan iska cuneysay ayay Spain dhankooda u muuqdeen kuwo helayay fursad bar bar dhaca maadaama hami weyn uu ku jiray waxa ayna ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh


Italy marka la eego sida sahlan ee ay fursadaha isaga cunayeen waxa ay muuqan kareen kuwo ka qoomameyn doona oo mar hore ayay natiijada dhankooda ka dhigan kareen


Spain markii la soo gaaray daqiiqadii 60-aad kubadda iyaga ayaa ku badnaa waxa ayna Italy galeen daafac halka ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.


Spain oo daqiiqadii 70-aad soo gilisay Lucas Vazquez isla markaana loo badalay Morata ayaa guud ahaan kubadda kala wareegtay Italy oo dib u gurtay , waxa ayna kooxda.com xuseysaa in Azzuri ay caan ku yihiin habkaas , waxaana Spain laga filan karay goolka bar bar dhaca


Fursad ay heleen Spain oo gool aheyd waxaa u diiday goolhaye Buffon , waxa ayna Spain dhan waliba dhamaadkii ka gaaraceen Italy waxa ayna u dhawaayeen goolka bar bar dhaca


Daqiiqadii 82-aad Italy waxa ay badaleen Eder iyaga oo soo giliyay Lorenzo Insigne halka Spain iyana ay soo giliyeen  Pedro Rodriguez oo loo badalay Aritz Aduriz , waxa ayna dhamaadkii ciyaarta aheyd mid laga filan karay gool xilli Spain cunayeen kubad waliba oo fursad gool loo turjumi karay


Italy daqiiqadii 84-aad badalkoodii ugu dambeyay ayay soo giliyeen kaasi oo noqday  Matteo Darmian waxa ayna xiligaas sigeen goosha Spain balse kubad lagu laaday waxaa soo tufay goolhaye De Gea


Italy daqiiqadii 84-aad badalkoodii ugu dambeyay ayay soo giliyeen kaasi oo noqday Matteo Darmian waxa ayna xiligaas sigeen goosha Spain balse kubad lagu laaday waxaa soo tufay goolhaye De Gea , waxana Spain daqiiqaii 89-aad gool xaqiiq ahaa waxa uu Buffon si mucjiso ahedy uga bad baadiyay Gerard Pique kaasi oo hor taagnaa kubadda ku laaday


Italy oo kubad rogaal celis ah soo qaaday ayaa ku dhalisyay gool cajiib ahaa oo rajadii iyo isku daygii Spain hawada ku laashay waxaan daqiqiadii 90-aad ka dhalyay Graziano Pelle kaasi oo ciyaartooyda Spain ka oohisay iyadoo aan la yeerin seeriga dhamaadka ee ciyaarta
Italy ayaa haatan iska xaadirsay wareegga 8-da ee tartanka koobka qaramada yurub


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *