Uncategorized

Haweenka Xilliga ay Uurka Leeyihiin Kalluunka Cuna oo la Oggaaday Inay Dhalaan Ilmo Bulshaawi ah oo Maskax Wanaagsan

iftineducation.com – Haweenka xilliga ay uurka leeyihiin kalluunka cuna ayaa la oggaaday inay u dhaw yihiin inay dhalaan ilmo maskax badan oo bulshaawi ah, sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo ay soo saareen Ururka Midawga Yurub. 
Waxa daraasadani shaacisay in dumarka aad u isticmaala subaga noocyada kala duwan ee kalluunka sida Tuna, Sardines iyo Salmon inay dhalaan carruur maskaxdoodu aad u horumarsan tahay oo aad u caqli badan.
Daraasadda oo Guddida Midawga Yurub ugu sarraysa ku bixisay £5 Milyan oo gini oo lacagta Ingiriiska ah, isla markaana cilmi-baadhayaal loo diray dalka Spain ay baadhitaankooda ku sameeyeen dumar tiradoodu gaadhayso 2,000 (laba kun) oo ku jira xaaladda xaamilo oo toddobaadkii 20aad ah, ayaa lagu ogaaday markii ay umuleen inay dhaleen carruur aad u maskax badan oo bulshaawi ah.
Dumarka uurka lahaa ayaa xilligii daraasadan la diyaarinayey la waydiinaayey cuntooyinka ay quutaan, isla markaana laga qaaday dhiig, waxaana laga helay inay isticmaali jireen subagga kalluunka, taas oo ilmahoodana markii baadhitaan xagga maskaxda ah lagu sameeyey la oggaaday inuu aad u maskax badan yahay, halka qaar ubadkoodu waaweyn yihiin laga qaaday tijaabooyin lagu baadhayo maskaxdooda, taas oo aad uga yaabisay dadkii daraasadan waday, kadib markay kala kulmeen maskax badnaan ubadka hooyooyinkood markay xaamilada ahaayeen kalluunka isticmaali jiray.
Ilmaha hooyadii quudan jirtay subagga kalluunka amma hilibkiisa waqtiguu caloosheeda ku jiray waxa uu noqday mid aad u maskax badan oo ku guulaystay tijaabooyinka iyo imtixaanaadka laga qaado, waxa sidaas sheegtay jaamacadda Granada Study oo ku taal dalka Spain oo qayb ka ahayd daraasadan la sameeyey.
Cilmi-baadhayaasha ayaa u sheegay jariirada la yidhaa American Journal of Clinical Nutrition in hooyadu u gudbiso markay isticmaasho kalluun nafaqo aad u wanaagsan oo maskaxdiisa korisa, isaga oo ku soo dhasha caqli aad u wanaagsan.
Daraasadan ayaa qayb ka ah mashruuc ballaadhan oo Ururka Midawga Yurub ku badhayaan cuntooyinka saamaynta ku leh ilmaha aan wali ifka iman oo la waddi doono ilaa sannadka 2013-ka, waxaanay daba socotay daraasadani mid sannadkii ina dhaafay lagu ogaaday haweenka kalluunka cunaa xilliga ay uurka leeyihiin inuu ka kala gooyo amma ka yareeyo isku buuqa iyo murugada badan.
Dr. Michelle Price oo daraasadan madax ka ah, ayaa intaas isagu ku daray in cunitaanka kalluunku haweenka u saayidiyo nafaqo aad u badan oo caafimaadkooda kor u qaadi karta.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *