Uncategorized

Hadii Boqorada Taajkoodu Yahay Dahab!.. Gabadha Muslinka ahna taajkeedu Waa Xishood..

iftineducation.com – Markii uu arkay xishoodka iyo asturnaanta ka muuqata gabadha Muslinka ah, ayuu Sheydaanku ku yidhi: Sidee laguu Guursanayaa Adigoo Dharkan waaweyn Xidhan? 


Goorma ayuu Quruxdaada iyo muuqaaalkaga Arkayaan Ragga guurdoonka ahi? 


Quruxdaada iyo qiimaha da’daadu way dhamaanaysaa iyadoon Cidna ku Arag!


Inta ay dhoola Caddeysay ayay ku tidhi: Hadafkaygu waa inaan Allah (sw) Raali geliyo, kuma Raali noqonaayo inaan noqdo hilib Banaanka yaalla oo isha Waraabuhu ku Dhacdo.


Waan asturanahay inaan Dhowrsoonaado ayaan go’aansaday, marka aan xijaabka xidho, inaan Qaali ahay oo aan cirka Marayo ayaan Dareemaa.


Hadii Boqorada Taajkoodu Yahay Dahab!.. Gabadha Muslinka ahna taajkeedu Waa Xishood, dhowrsoonaan iyo akhlaaq Wanaagsan!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *