Uncategorized

Dalka Urdun oo askar laga laayay

iftineducation.com – Wararka ka imaanaya dalka Urdun waxay sheegayaan in ugu yaraan lix askari oo kuwa xadka ilaaliya ah in lagu dilay gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay.


Qaraxaasi wuxuu ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn xadka ay Urdun la leedahay dalka Suuriya oo ay ka jiraan colaado sokeeye.


Saraakiil Millitariga u hadashay ayaa sheegay in tiro kale oo askar ah ay sidoo kale ku dhawaacmeen isla weerarkaasi.


Weerarka ayaa laga soo qaaday xadka dhanka Suuriya.


Waxay sheegeen in tiro kale oo gawaadhi ah oo weerarkaas qayb ka ahaa in la burburiyay.


Qaraxaasi wuxuu ka dhacay banaanka xero qaxooti oo ku meel gaadh ah oo ku taala baadiyaha fog ee waqooyiga bari ee Ruqban.


Xeradaas waxaa ku jira oo ay hoy u tahay tobanaan kun oo Suuriyaan ah.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *