Uncategorized

C/raxmaan Koronto oo 16 sano ka dib ka tagey laanta afka Somaliga ee BBC (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Suxufiga wayn ee Soomaaliyeed, C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto), ayaa Isniintii shalay shaaciyay in uu isaga tagey Laanta afka Somaliga ee BBC, ka dib muddo 16 sano oo uu ka shaqaynaayay.




C/raxmaan Maxamed Aadan oo Saxaafadda ku soo biiray dhawr iyo sagaashankii, ayaa Laanta afka Somaliga ee BBC ku biiray sanadkii 2000, ka dib markii uu ku guuleystay imtixaan ay ka qaaday BBC-du.


Qoraal ay BBC soo dhigtay Facebook, ayay ku sheegtay in C/raxmaan Maxamed Aadan uu si iskiis ah uga tagey BBC, markii uu go’aansaday.
Munaasabad sagootin ah, ayaa C/raxmaan Koronto loogu sameeyay Xarunta BBC, waxaana xafladaasi ka soo qaybgalay madaxda iyo shaqaalaha laamaha kala duwan ee BBC, qaybteeda Afrika.


“Mar walba Saxafi Soomaaliyeed ayaan ahay, kana shaqayn doona danaha iyo guud ahaan horumarka umadda Soomaaliyeed. 


Saxaafad wanaagsan ayaan rajeynayaa dadku inay iiga tashadaan, oo marnaba leex-leexad iyo waxba lahayn.” Ayuu yir C/raxmaan Koronto oo wareysigiisii ugu dambeeyay siiyay BBC.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *