Uncategorized

Ciidamada Dowladda Somaliya oo maanta Magaalada Muqdisho ku xiray shan ka mid ah askarta Amisom.

iftineducation.com – Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku xireen shan ka mid ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Askartan, ayaa waxaa la soo qabtay iyagoo agabyo ay leeyihiin Ciidanka Amisom ku iibinaya Wakaaladii hore biyaha, oo ku dhow Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan.
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa sheegay in askartan la soo qabtay iyagoo iibinaya agabyo badan oo ay leeyihiin Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
“Waxaan ku qabanay alaabo badan oo ay iibinayeen, kuwaasi oo ka mid ah qalabka Amisom, waxaana ku jira jawaanada difaaca, telephone-no, sanduuqyada rasaasta lagu qaato, shidaal badan iyo agabyo kale.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha, ayaa tilmaamay in ay in muddo ahba ku daba jooggeen askarta Amisom ee lagu eedeeyo in ay iibiyan agabyadooda, ugu dambeena ay maanta ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.
Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, ayaa sheegay in askartan lala soo qabtay 10 qof oo Soomaali ah, isla-markaana ay sharciga horkeeni doonaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *