Uncategorized

astaamaha lagu garto wiilka playboyga, gabdhooy ka taxadir

iftineducation.com – Majirto gabar jecel in uu noqdo gacaliyaheeda mid naago badan ama shukaansi badan uu xiriir la yeeshto wax iyada dhaafsiisan, waxaa jiro gabdho badan aan ku baraarugsaneen in qofka ay xiriirka la leeyihiin in uu yahay palyboy, qoraaga Daalac Daahir Shoot wuxuu idiin soo gubniya astaamaha ugu fudud ee lagu garto qofka playboyga.


1. Isaga oo ku soo waca xiliyada 11:00 PM iyo 12:AM: wicida saqda dhexe waa mid kamid ah astaamaha ugu waa wayn ee lagu garto in gacaliyahaga uu yahay mid Playboy ah, maalinkii ayaa ka kooban 24 saac, waxaa su’aal ah saacadaha kale muxuu kuu soo wacan waayay waayo waxaa jiro waqtiyo ka fiican oo qofka la soo waco, xiliyadaan camal qofka wax soo waca waa qof in uu kutuso raba in uu kuu muujiyo bas in uu xiriirkii wali jiro, waxaana jiro dad uu wacdo xiliyada kale.


2. Gbadho Badan ayuu saaxiib la yahay: astaamaha labaad ee lagu garto qofka playboyga ah ayaa ah in asxaabtiisa ugu badan ay noqdaan gabdho, aqoonta uu uleeyahay wiilasha ay iska tahay mid aan sidaas u badneen, gabdhaha badan uu yaqaao lagama wayn doono mid uu si gaar iyo si dadban xiriir uleeyihiin, inta badan lahadalka dhanka teleefoonka waxaa ku badan in uu wacdo gabdhaha, wiilka gabdhaha badan ayaa ku andacooda inta badan in aysan jirin wax dhaafsiisan saaxiibtinimo, wuxuu ku qanciyaa qof kasta uu xiriir la leeyahay in gabar hebel ay tahay walaashiisa oo kale.


3. Hadal Macaani: astaamaha lagu garto qofka playboy ga waa hadal macaanida, wuxuu bartay qaabka loola hadlo gabdhaha, waa nin ay usahlantahay in uu markasta ku dajiyo, xitaa adiga oo xanaaqsan ayuu kaa dhigayaa qof farxad badan waayo way usahlantahay sida loo dajiyo qof dumar careesan wuxuu heestaa qibrad ku filan sida loo dajiyo gabdhaha, hadii aad aragto astaamahaan ogow waa mid kamid ah wiilasha playboy.


4. Isaga oo ka hadla jirkaaga: wuxuu aad u amanaa quruxdaada, wuxuu ka sheekeeya hab dhismeedka jirkaaga, kama caajiso in uu ka sheekeeyo jirkaaga, meel kasta oo kamid ah jirkaaga wuxuu siiyaa amaan adiga ku qanciso oo qalbigaaga dhalan rogta, taas oo marka danbe sababta damac ka baxshan shareecada islaamka.


5. Isaga oo diida in aad meel isku wada raacdaan: wuxuu aad uga taxadaraa in aad isku lug darsataan ama aad meel kuwada kulantaan wuxuu diidayaa in laguugu arko kadib lagu war galiyo gabdhaha kale ee uu xiriirka kala dhexeeyo, inta badan wuxuu muujiyaa caga jiid iyo wahsi markii ay noqoto in la is raaco.


6. Isaga oo jila daacadnimo: qofka playboyga waa qof ay kabadatay kalsoonida, noloshaada dhan wuxuu ka saaraa cabsida iyo shakikaga, wuxuu ku tusiyaa kalsooni aan laheen wiilasha kale, markasta wuxuu kuugu soo galaa qaab aqiyaarnimo ku jirto wuxuu isku dayaa in uu dabcigiisa uu yahay mid dagan.



W/Q: Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *