Uncategorized

Arimahaan Waa Sababaha Ugu Weyn Ee Bur-buriya Jaceylka Qoyska Labada Lamaane

iftineducation.com – Arimahaan Waa Sababaha Ugu Weyn Ee Bur-buriya Jaceylka Qoyska Labada Lamaane
Qubarada arimaha qoyska ayaa tilmaamaya in heerka furiinka dalka Somaliya uu kordhay taasi oo keeneysa in dib loogu laabto wax yaabaha keenaya qilaafaadka qoyska , waxaa ka mid ah arimaha keena .
1- Dabacsanaan : waa caqabadda ugu horeeysa ee qaboowga ku keeneysa xariirka labada lamaane oo xaraarada ka qaadeysa , waxaa loo baahaan yahay in ihtimaamka uusan daaqada ka bixin oo labada lamaane sameeyaan dib u dayactir oo mararka qaar wada aadaan safar si waqti iskula soo qataan hadii ay awoodaan.
2- Maseerka : Maseerka wax yaabo yar ayuu ka dhashaa balse waa dilaa aan la ogeyn .
3- Tix Gilinta Oo Yaraata : in qilaafaadka jira in si xor looga hadlo waa caafimaad u wanaagsan qoyska balse haddii yasid iyo bahdilid la socoto waxa ay tani dhaawaceysa dhab ahaan daremaha jaceyl  , waana adag tahay in la iska cafiyo .
4- Dhibaatada Maaliyadda : inkastoo qoysas yar ay arintaan toos uga hadlaan hadana waa dhib jira , cariiriga nolosha iyo bakhiilnimada waa ay keenayaan qilaafaadka qoyska waana muhiim in si wada jir ah loo qorsheeyo xalinta arimahaas.
5- Wadahadlka Oo Yaraada Isla Markaana Adkaato In La Is Dhageysto : si looga gun gaaro isu dheeli tirnaanta xariirka qoyska waxa ku leedahay waxaa muhiim ah in labada lamaane awood u lahaadaan in ay is gaarsiin karaan fikradaha si wanagsan iyadoo midba midka kale uu dhageysanayo , wadahadalka tooska ah ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee lagu xalin karo mushkiladaha qoyska .


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *