Uncategorized

AMISOM oo sheegtay inay ka guureyso garoonka Muqdisho

iftineducation.com – Garoonka Muqdisho, ayaa sannadihii dambe waxa uu xarun u ahaa ciidamo kala duwan, iyadoo bahda ciyaaraha ay ku dooddayeen in la joogo xilligii garoonkaas uu gacantooda kusoo laaban lahaa.




Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna, ayaa qoratay warka sheegaya in AMISOM, ay faarujin doonto tuullada cayaaraha dalka, waxanna ay kasoo xigteen afhayeenka AMISOM Joe Kibet.




Warka waxa uu intaa ku darayaa in xilli rasmi ah aysan sheegin ciidamada AMISOM, marka laga reebo inay wadaan qorshe ku aadan sidii ay garoonkaasi kaga bixi lahaayeen.




Dhawaan waxaa garoonka booqday wasiirada amniga, cayaaraha iyo madaxda GOS iyo kuwa xiriirada.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *