Uncategorized

Aktarka Caanka ah ee Salmaan Khan oo lagu Riday Xukun adag oo Xabsi + xog iyo sawiro

iftineducation.com – Waxaa Maanta Xukun Xabsi Shan sano ah lagu riday Aktarka Salman Khan oo mid kamid ahaa Aktarada ugu caansan Dalka Hindiya ,kadib markii lagu helay dambi ah in uu gaari ku dilay Nin Darbi jiif ahaa.


Aktarka Salman Khan oo hada ah 49-Sano jir ayaa lagu helay dambi la xariira in Magaalada Mombai uu gaari ku jiirsiiyay sanadii 2002-dii Nin Darbi jiif ahaa, waxaana Salman Khan lagu eedeeyay in xiligaasi uu gaariga waday uu cabsanaa.


Mr Khan ayaa sheegay in darawalkiisa uu eedda lahaa , balse dhowr goobjooge oo siyaabo kala duwan loo wareestay ayaa sheegay in jilaaga uu waday gaariga dilka geestay , kana cararay goobta markii shilku dhacay.


Xukunka Xabsiga Shanto sano ah ayaa la sheegay in Aktartaka ku caan baxay Filimaanta Hindiga kana tirsan Bollywoodka uu Racfaan ka qaadan karo Xukunka Maxkmadu ku riday.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *