Uncategorized

Aabe Wiilkiisa Kala Dardaarmay Guurka (Waa Dardaaran Xiiso Badan)

iftineducation.com – Aabe ayaa wiilkiisa oo aroos isku diyaarinayay ka codsaday inuu u yimaado si uu ula sheekeysto ka hor habeenka aqal-galka, una fahamsiiyo waxyaabo badan oo guurkiisa wanaag u ah.

Aabaha ayaa wiilkiisa siiyay fariin dardaaran ah , taasoo qof waliba oo rag ah oo guursan raba looga baahan yahay inuu ka faa’ideysto waanadan.

Wiikeygiyow, hodantinimo iyo farxad ku heli meysid gurigaaga ilaa iyo inaad iga aqbashid toban tilmaamood oo lagaaga baahan yahay inaad ku dhaqaaqdid oo aad fulisid, waxaana kaa doonayaa inaad xafido oo aad ku dadaashid.

Midda koowaad iyo labaad:. haweenka waxay jecel yihiin in la isku muujiyo , loona cadeeyo jaceylka, ee wiilkeygiyow xaaskaaga haka baqiilin inaad u bandhigtid jaceylka , hadii aad bakhiil dhankaas ka noqotid , adiga iyo iyada waxaa idin soo dhexgalaya mugdi iyo is afgaranwaa , waxaana hoos u dhacaya kalgaceylkii aad isku qabteen.

Midda sadaxaad: wiilkeygiyow haweenku waxa ay neceb yihiin ninka go’aankiisa uu adag yahay , waxayna adeegsadaan ninka laciifka ah ee jilicsan, ee tilmaan kasta waqtigeeda la imoow , waxaad –na xaaskaaga ugu baaqdaa jaceyl iyo xasilooni oo ay ku jirto deganaansho.

Midda afaraad : wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan , muuqaal qurxoon,labis qurux badan iyo udgoonka carafka badan ee jirkiisa iyo dharkiisa ee sidaa ku dadaal , waxaana kaaga digayaa inaad xaaskaaga hoosta ka gashid adigoo dhidid badan uu qoyay jirkaaga iyo dharkaaga , waxaad-na xoojisaa nadaafadda iyo bilicda 

Midda shanaad: guriga waa boqortooyada dumarka , waxaana ay ku dhex dareentaa xaaskaaga in afartiisa gees ay iyada xukunto oo marwo ay ka tahay , wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad burburisid boqortooyadaasi oo ay xaaskaaga ku nooshahay , ayna maamusho, waxaan kaloo kaaga digayaa inaad ka ceyridid boqortooyadaasi oo ay ku nasato , waxaan markale kaaga digayaa inaad awoodda guriga ka qaadid oo aad furtid , waayo taasi waxay abuuri kartaa cadaawad .

Midda lixaad: wiilkeygiyow , haweeneydu waxay jecelyihiin inay ninkeeda kasbato oo ay soo jiidato ,qoyskeedana ay xiriiriso, waxaan kaaga digayaa in nafsadeeda iyo ehelkeeda aad isku mid ka wada dhigtid oo hal miizaan aad wada saartid , waa inaad xaaskaaga ku tiraahdaa inay kala doorato ehelkeeda iyo adiga , waxaad ogaataa hadii ay ehelkeeda ay doorato in had iyo jeer cadaawad joogto ay jiri doonto oo gurigaaga aanu deganaansha ka dhex jiri doonin marnaba oo faragelin hoose iyo mid muuqata laguugu sameyn doono hab maamulka qoyska.


Midda todobaad: dumarka waxaa laga abuuray feer qaloocan, taasina waxaa ku jiray sirta quruxda iyo soojiidashada , waxaadna ogaataa in abuurka allah aanu ceeb aheyn..hadaba hadii ay qalad xun oo aan naxariis laheyn ay sameyso xaaskaaga ,fadlan iskuday inaad toosidid qalooca jira adigoo ka taxadaraya inaad jabto , waayo jabkeeda waa furiin, hadii ay qaldanto haku siideynin inay qalooca sii wadato oo uu dhibka sii kordho, ha noqonin qof dabacsanaan badan , ha noqonin qof ad adeeg badan , waxaad noqotaa nin heer dhexe ka ah labadaasi arrimood.

Midda sideedaad: dumarka waxaa loo abuuray inay fogeeyaan ehelka , ayna diidaan wanaaga , hadii hal waqti aad wax wanaagsan u qabatid , waqtiga xigana aad xumeysid, waxay kuugu jawaabtaa oo ay ku oraneysaa “ weligaa wax kheyr ah kaama arag, iimana aadan sameyn” , hadaba waa inaad ugu dulqaadataa arrinkaasi oo aanad u moodin naceyb ay kuu qabto , kadibna aad ka carartid , hadaba wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad degdeg ku furtid xaaskaaga oo nin kale oo arrintan raali uga noqonaya uu guursado.

Midda sagaalaad: haweeneydu waxay la soo gudboonaada xaalado tabar darro jismiyadeed iyo mid nafsaani , xitaa allah wuxuu ka cafiyaa waxyaabo badan oo waajib ku ahaa gudashadeeda , waxaana loo cudur daaray dukashada salaada xilliyada ay qabto dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmada , waxaa sidoo kale loo cudur daaray soon-ka inta ay qabto labadaasi dhiig ilaa iyo inta caafimaadkeeda uu ka soo laabanayo, waxaad xilligaasi u noqotaa kaaliye gacan siiya oo u fududeeya waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid ,waayo ma ahan qof ka bixi karta oo gudan karta howlo badan oo aad u dirtid waqtigaasi.

Midda Tobanaad: wiilkeygiyow waxaad ogaataa in gabadha xaaska kuu ah ay tahay mid kuu qafaalan oo maxbuus kuu ah ee fadlan u dhimri una naxariiso , hana ku xadgudbin , waayo waa qof tabar daran oo laciif ah , hadii aad wanaajisid waxay kuu noqon doontaa raaxadii aad filaneysay iyo kheyrkii aad sugeysay, hadii aad xumaan ku qaabishidna waxay kuu noqon murug iyo mugdi mustaqbalkaaga galay ee sidaa ku dadaal.
Aabe waan kuu duceeyay, cadowgaaga ha jabo, weligaa guul ku waar AAMIIN AAMIIN.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *