Uncategorized

50 qof oo lagu dilay toogashada ka dhacday Magaalada Orlando (Daawo Sawirada)..

iftineducation.com – Ugu yaraan 50 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Orlando ee Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.


Weerarkan, ayaa waxaa lagu qaaday baar xilliyada habeenkii ah ay ku caweeyaan qaniisiinta oo ku yaala Magaaladaasi, waxaana gaystay muwaadin u dhashay dalka Mareykanka.


Omar Mateen oo ah 29 jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Afghanistan, ayaa waxaa la sheegay in isagu uu ka masuul ahaa weerarka, iyadoona mar dambe ay toogasho ku dileen xoogaga ammaanka.




Saraakiisha Mareykanka, ayaa waxay weerarkan ku sheegeen midkiisii ugu xumaa oo ebid ka dhaca gudaha wadanka Mareykanka.




Sarkaal ka tirsan FBI-da Mareykanka oo lagu magacaabo Ron Hopper, ayaa waxaa uu sheegay marka loo eeggo baaxadda khasaaraha ee weerarkan uu sababay, ay u baari doonaan sidii fal argagaxiso oo kale.




Xaalad deg deg ah, ayaa lagu soo rogay Gobolka Florida, sida uu ku dhawaaqay Rick Scott, Gudoomiyaha Gobolkaasi.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *