Uncategorized

Sacuudiga oo isbadalo ku samaynaya dhaqaalihiisa

iftineducation.com – Dowladda Sacuudiga ayaa ansixisay qorshe isbadalo wayn lagu samaynayo oo loogu tala galay in lagu casriyeeyo, dhowr noocna looga dhigo dhaqaalaha Sacuudiga.
Qorshaha ayaa ah in la dhimo sida uu Sacuudiga ugu tiirsan yahay dhaqaalihiisa shidaalka shan iyo tobanka sano ee soo socda.
Qorshaha ayaa la filayaa in lagu sameeyo laba trillion oo dollar oo lagu maalgalinayo adduunka oo dhan.
ku dhawaad 80% lacagta Sacuudiga ayaa ka imaata shidaalka laakiin waxaa saameeyay sicirka shidaalka ee hoos u dhacay sanadkii hore.
qayb ka mid ah qorshaha ayaala filayaa in shirkada sifdaalka ee waddanka ee Aramco ay samaysolacag maalgalin.

Isagoo ku dhawaaqaya isbadalka ayaa Amiir Mohamed bin Salman ku tilmaamay in waddankiisa uu shidaalka aad ugu tiirsan yahay.

Qorshaha Vision 2030 ayuu u sheegay telefishinka Alcarabiya, inuu hubin doono in aan noolaan karno shidaalka saliida la’aanteed sanadka 2020.
Isbadalada uu ku dhawaaqay waxaa ka mid ah:
Saamiyo dhan 5% ee shirkada shidaalka ee Amro ayaa la iibinayaa.
Lacagta qaar ee laga helo iibinta saamiyada ayaa lagu samayn doonaa lacag maalgashi oo dhan 2$ tn
Hab cusub oo Viso ayaa la samaynayaa si ay muslimiinta iyo carabta uga shaqeestaan Sacuudiga waqti dheer.
Talaabooyin lagu samaynayo noocyo dhaqaale oo kala duwan ayaa la qaadayaa oo ay ku jirto maalgalinta macdan qodista, iyo balaarinta wax soo saarka qalabka milatary.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *