Uncategorized

Qiso Ka Dhacday dalalka Khaliija gabar Dhar Qafiif ah Soo xertay maxaa ku dhacay Subxanalaah….

iftineducation.com – (Qisadaan waxey ka dhacday Khaliijka).

Gabar ayaa waxay soo Xiratay Dhar Qafiif ah,
Sidaas darteed Nin Wadaad ah ayaa ku yiri:-
Allaah ka Baq maxaad sameyneysaa hadduu
Malakul Mawtku Saacadaan ku yimaado ?,

Gabadhii waxey jawaabtay Ninkii Wadaadka
ahaa:- Hoo Talefonkaan Rabigaa u dir oo Malakul
Mowt, u soo dir ku dheh Gabadhaan.
Subxaanalaah, Wadaadkii aad ayuu uga Naxay
Ereygaas Gabadha Afkeeda ka soo yeeray.

Haddaba Ninkii Wadaadka ahaa isagoo Gabadhii
wax jawaab ah uusan siin ayuu ka Dhaqaaqay
meeshii, Cabaar markuu socday ayuu Gadaashiisii
ka maqlay Qeylo fara badan, wuu soo laabtay oo
soo Eeg ayuu is yiri, hadduu meeshii yimid mise
waaba Gabadhii oo Meyd ah oo meesha Xooran.
(Allaahu Akbar, bal Eeg Awoodda Rabbi).

Dadkii ayuu u sheegay inuu mar Dhawayd
Waaninayey oo ay iyaduna Abaal uga Dhigtay
Jawaab aad u Xun. Haddaba Dadkii ayaa aad uga
Naxay kolka uu Wadaadku u sheegay jawaabtii ay
siisay, intooda badanna wey wada ilmeeyeen.
ﻗﺎﻝ ﺗﻌﺎﻟﻰ : ( ﺇﻥّ ﺭﺑﻚ ﻟﺴﺮﻳﻊ ﺍﻟﻌﻘﺎﺏ ﻭﺇﻧﻪ ﻟﻐﻔﻮﺭ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ )
(ILAAHOOW GEFKEENA & GEERIDEENA HA
KULMIM).



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *