Uncategorized

MSF oo codsatay in la baaro sababta Diyaaradaha Mareykanka u duqeeyeen Isbitaal ay Hay’adaasi maamusho..

iftineducation.com – Hay’adda caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo MSF ayaa mar kale codsatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo sababta weerarkii diyaaradaha Maraykanku ay ku qaadeen isbitaal ay maamusho oo ku yaalla dlka Afghanistan. 
Weerarka oo ahaa duqayn ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay 42 qof. 
Maraykanka ayaa horay u sheegay in 16 qof oo ka tirsan ciidammadiisa geystay weerarkaas laga qaadi doono tallaabo waafaqsan anshaxa ciidammada, wuxuuna meesha ka saaray in lagu soo oogo dacwo la xiriirta arrintaas. 
Warbixin ay soo saareen baarayey dhacdada isbitaalka MSF ayaa Mareykanku waxaa uu ku sheegay in weerarkaas uu u dhacay si khalad ah, oo uusan aheyn dambi dagaal.
MSF ayaa ka biyo diidday go’aankaas, kuna tilmaantay tallaabo aad uga hoosaysa ciqaabka ay mudan yihiin raga geystay weerarkaas. 
Burburka gaaray isbitaalka iyo tirada dadka ku dhintay ayay hay’addu ku sheegtay dambi culus oo u baahan in caddaalad la marsiiyo dadka iska leh mas’uuliyaddiisa.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *