Uncategorized

Maxamed BK oo laga saaray Kooxda Xiddigaha Geeska ‘Waa maxay sababta?’ (War-murtiyeed)

iftineducation.com – Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf kooban oo ka dhex taagnaa xubno ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska, kaasoo ka dhashay Xeer=jebin ay ku kaceen xubnaha qaarkood, qodobada khilaafka abuuray waxay ku soo urureen laba qodob oo kala ah 1, Xil-ka-qaadistii Maamulkii hore iyo Xubinnimadii Maxamed Bk ee maamulka hore ka saareen kooxda.


Sidaas daraadeed, Maadaama Kooxdu leedahay sharci iyo Xeer-hoosaad waxaa lay sugu yimi shir ay kooxdu u dhantahay oo lagu faaqiday khilaafka arrimahaas ka dhashay. Waxaanay kooxdu ka soo saartay War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexanyihiin Boodhka Kooxda Xiddigaha Geeska.


BK-500×331


War-murtiyeedkaas oo dhammaystirana waxaa uu u dhignaa sidan;


“Waxa soo gabagaboobay khilaaf kooban oo soo kala dhex galay kooxda xiddigaha geeska kaasoo ku saabsanaa afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo laysku diidnaa, sidaa darteed maamuulkii hore ee xidgaha geesku waxa uu ka qaaday fanaanka Maxamed Siciid Cabdi Bk xubinnimadii uu kaga midka ahaa kooxda Xidgaha Geeska ka dib markii uu baal maray shuruucdiiiyo nidaamkii u yaalay kooxda.


Waxaana intaasi ka dib Boodhka Kooxda ayaa loo xilsaaray in ay soo baadhaan demiga uu kooxda galay fanaanka maxamed siciid cabdi waxaana yagoo baadhitaankii ku jira ay gaadhay mudadii shirweynaha kooxda xidigaha geeska taasoo lagu badalay maamulkii hore waxaana maamulka cusubi ay sii amba qaadeen baadhitaankii ku socday fanaankamaxamed siciid cabdi bk kuwaasoo gabagabdii shir manta ka dhacay xarunta xidgaha geeska ee Hargaysa ay kusoo saareen natiijadii kazoo baxday baadhitaankii lagu waday maxamed siciid cabdi bk waxaanay gudidu ay sheegty in maxamed siciid cabdi uu gabi ahaan baalmaray sharuucdii u taalay kooxda sidaana uu ku waayay xubinimadii uu kaga midka ahaa kooxda xidigaha geeska.


Maamulka cusub ee kooxda waxay qaateen go aanka ay soo saareen lixda xubnood ee gudiida ama {bord} ka kooxda xidgaha soo saareen.


1 axmed wali ibraahim maxamuud {furinle}
2 maxamed miyir Xaaji
3 Sidiiq Maxamed Burmad
4 Cabdirisaaq Xaamud Caydiid Jaylaani
5 Sidiiq Maxamuud Gahayr
6 Maxamed Siciid Cabdilaahi {xarago}


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *