Uncategorized

Ma tahay Qof Soomaali ah oo Wanaagsan Hadaba sameey Arimahaani si aad ugu….

iftineducation.com – Ma tahay Soomaali? Hubaal, waxaad tahay qofka
ugu liita dunida!
Joogso! Nabigaagana ku Sali, waxba heyla
dagaalin, hana caroonin. Waan ogahay inaadan
dulqaad badan lahayn oo aad Soomaali tahay.
Bal adigoo miyirqab ah qoraalkeyga hoos u raac.
Waan ogahay inaadan jecleyn wax aqrinta,
kuguna adagtahay inaad dhameyso qoraal aad
aqrintiisa bilowday. Hadaad qoraalkan
dhameysato, garashana kugu harsantahay waan
hubaa inaad ila garawsan doonto in aniga iyo
adigaba aanu nahay dadka ugu liita dunida.
Soomaali baad tahay sababtoo ah adigoo og
dhibaatada ka jirta dalkaaga sida: dagaalada,
burburka, barakaca, gaajada, cudurada iyo kala
qeybsanaanta. Hadana waad isla qab weyn tahay
oo waxaad isku heysataa qof heybad sare leh.
Weyna adagtahay inaad aqbasho inaad tahay
qofka ugu liita maanta ee aan dunida ku lahayn
sharaf, magac, muuq iyo mansab, ee isagoo hal
qowmiyad ah qabyaalad darteed kun u kala
qeybsan, kaaga darane tallo iyo towfiiq aan ku
heshiin karin!
Soomaali baad tahay sababtoo ah waxaad xoog u
leedahay daadinta dhiiga walaalkaa ama
walaashaa, kamana xishootid ee waad ku
faantaa. Kaaga darane, waad yastaa dadkaaga
sida dhaqaatiirta iyo aqoonyahana Soomaalida,
oo waxaad qiimo badan u heysaa kuwa
shisheeye ood aaminsan tahay in cilmi iyo
caqliba loo dhameeyey!
Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad
maqasho baddii iyo barigii Soomaaliya waala
qaatay, waad laabkacdaa, waxaana ku qaada
qiiro oo adigoo faruuryo qaniinsanaya ayaad ku
catowdaa “Tol-Beeley”, waxaadna aflagaado
hawada u marisaa dowladaha dariska ee isku
tashaday, madaxda dalkaagana ku asteysaa inay
dalkii iibsadeen!
Soomaali baad tahay sababtoo ah waxyar
dabadeed, waabad iska ilowdaa wax kastoo
dhacay oo waxaad ku mashquushaa danahaaga
iyo kan qoyskaaga, maalmaha fasaxana waxaad
horey u qaadataa calanka maamulka beeshaada,
oo adigoo xadreysan ayaad beesha heeso iyo
suugaan u tirisaa!
Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad la
joogto dadka aan kugu qabiilka ahayn, waxaad ku
celcelisaa inaad tahay qof Soomaalida u siman
tahay oo qabyaalada neceb waddanina ah.
Hadana qalbigaaga waxaa ka buuxa xiqdi iyo
qabyaalad gaamurtay, shirarka reerkana waxaad
ku calaacashaa in beeshu meesha ka kacdo,
odoyada, haweenka iyo dhalinyaraduna ku
guubaabisaa inay iska kaashadaan danaha
beesha, si beeshu u muuqato!
Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad
maqasho in doorasho ka dhaceyso dalka, waxaad
meelaha la wareegtaa amaanta qofka u sharaxan
beeshaada, kuna sheegtaa halgame waddani ah
oo mudan in la doorto. Ku darsoo, markii wasiiro
la magacaabo ama guddiyo la sameeyo waxaad
durba website-yada ka fiirisaa qabiiladooda,
waxaadna jagooyinka sare ka raadisaa wax
beeshaada u dhashay adigoon isweydiin xirfada,
aqoonta iyo dadnimadooda!
Soomaali baad tahay sababtoo ah haddii xil laguu
dhiibo waxaad dhisataa daaro dhaadheer, hantida
umada gaajeysana waad ku takri fashaa, eex iyo
ilmo adeersina hoy baad u noqotaa. Kaaga
darane, markii xilka waqtigiisa dhamaado ama
lagaa qaadana waxaad mucaarad ku noqotaa
dowlada, madaxdaadana ku sheegtaa inay yihiin
calooshood u shaqeystayaal dibada laga
maamulo!
Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad
damacdo inaad website-yada aqriso, waxaad ku
hormartaa kuwa beeshaada, waxaadna ku xijisaa
kuwa had iyo gooraale qora wararka colaada ah,
isku dirka iyo jaa’ifada madaxda ama dadyowga
kale.
Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad aqriso
ama laguu sheego warbixin warbaahinta laga sii
daayey adigoon waxba hubsan ayaad la
jidbootaa, waxaana goobaha la shirtagtaa wariye
hebel baa sheegay ama website hebel baa qoray,
waxaadna jaa’ifeysaa dad aan waxba kuu dhibin.
Maba ogid in weriye hebel uu yahay adigoo kale,
qabyaaladuna ku weyntahay, kaaga darane inuu
magac iyo manfac helo darteed waxkasta u
sameyn karo!
Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad
aragto wadamada hormaray ood garawsato in
dadkooda aysan lahayn qabiilo ee ay ku
mideysan yihiin wadaniyad, waxaad isku
sheegtaa in Soomaalida aysan caqli badan lahayn
oo aysan ku waana qaadan waxii dhibaato lasoo
maray, kuna deysan dadyowga kale. Waxaadna
iska dhaadhicisaa in haddii hogaamiye fiican oo
waddani ah jiri lahaa laga bixi lahaa dhibka.
Nasiib daro waxaad ilowdaa in hogaamiye kasto
oo yimaada aad ku qiimeyso qabiilkiisa, hadduu
kugu qolo yahayna aad sacabka u garaacdo,
haddii aanu ahayna aad caqabad ku noqoto si
toosa ama si dadban!
Isku soo wada duub, intaas iyo in ka badan oon
tiro laheynba waa astaan kuu gooniya. Mana
garawsatid gefkaaga oo waxaad isku heysataa
inaad dadka ugu saxantahay, lagaana heybeysto.
Hana ku fekerin inaad isbadasho sababtoo ah
maba kaa dhaadheceyso, hadaad garwaaqsatana
markey ugu badato maalin ama laba ayaad
iscelcelinaysaa kadibna godkaagii ayaad ku dhici
doontaa!



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *