Uncategorized

Hindiya oo la kulantay qaraabada nin Afrikaan ah oo la dilay

iftineducation.com – Saraakiil Hindiyaan ah ayaa la kulmay qaraabada nin Congo u dhashay oo la dilay, kaddib markii ay magaalada Delhi tageen maanta oo Isniin ah.



Masonda Ketada Olivier ayaa jidh dil lagu dilay kaddib markii ay murmeen saddex nin oo Hindi ah horaantii bishan.


Qaar ka mid ah ururada ardayda Afrikaanka ah iyo Dublamaasiyiin ayaa mudaaharaadyo dhigay, iyaga oo sheegay in geerida Olivier iyo weeraro daba socday oo Afrikaanka lagu qaadayba ay salka ku hayaan midab takoor.


Booliiska ayaa sidoo kale baaraya nin taksiile ah oo sheegay in rag iyo haween Afrikaan ah ay jidh dileen maanta oo Isniin ah, kaddib markii uu diiday uu lixdoodaba wada qaado hal mar.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *