Uncategorized

Hablaha somaliyeed EE Uk OO Kacabanaya Rag La’aan.

iftineducation.com – Daba yaaqadii  April  Heer  kulka cadceddana uu  Ahaa mid  meel‐dhexaad ayaa waxaa halka baska laga raaco xaafad ku taalo waqooyiga London   istaageen labo dumar oo Soomaali ah, mid ka mid ah dumarkaasi ayaa waydiisay midda kale:
“Inantaadii ma dhamaysay jaamacadda?” .
“Haa” ayaydurbadii ba ku jawaabtay ..
“Miyaa la guursaday?”
“Maya!” Oo middii ka wayneed ayaa weli guriga ii joogta.”
“Anigaba mid baa guriga ii joogta oo calafkeeda ayay
sugeysa.” ayey tiri iyadoo faraha gaja cineysa,
“Baryahaan waa yaabnoo gabdhihii Soomaliyeed waxaa ku
adag in ay helaan rag fiican oo dhaqda. Waxbeey barteen,
waa shaqeeyaan, balse ragbaan jirin.”
Haddalkii u dhaxeeyay labada dumar waxa uu istaagay markii
baskii ay sugayeen yimid.
Haddaba su’aasha meesha taalo  ayaa ah labada dumar ma waxay dhaleecaynayeen ragga mise waxay cabiraayeen oo xaqiiqada jirta miyaa sidaas mise aya geri go an ah,


2 arrimood ayaa sii cakiraaya culayska ka jira helitaanka qof ku haboon guursashada:
1 – dhaqanka Soomaliyeed ma dhiiri geliyo guursashada dad
qalaad, xitaa marmarka qaarkood waxaan la oggolayn kala guursashada qabiilada qaarkood.
Taa waxay keenaysaa in gabdhaha ku sii adkaato sidii ay u heli lahaayeen rag isku meel
ay ka soo jeedaan oo dhaqan kara;
2 – ragga Soomaliyeed oo cuqdo ka qaba gabdhaha waxbartay
iyo kuwa muujiyo isku kalsoonaansho buuxda.


Haddaba su’aasha waxay tahay xaas waxbaratay ma caqabad baa mise
waa kaalmo dheeri ah oo ku soo biirtay qooyska?
Rag badan oo ka tirsan jaaliyadda ayaa dibadaha ka soo guursado taana waxay sii yaraynaysaa oo ay sii murjinaysaa
xaaladdii horay u jirtay oo ay gabdhaha Soomaaliyeed ay ku heli kari lahaayeen rag si xushmad leh u dhaqdo. Ku
noolaanshaha dalkaan waxuu wax badan ka beddelay
dhaqanka iyo qaab ku dhaqanka guriga. Waxay raga
wadamada kale u guur doonta ku doodaan inay dareemayaan
inuu is‐beddel ku yimid dumarka ku nool halkaan waqti dheer
waxayna raggaasi sheegaan in inaysan dumarkaasi u
jajabsanayn sida dumarka ku nool Afrika iyo dalalka Carbeed. Bal haddaba aan u jileecsano dhinaca kale oo ah inay
gabdhaha ku doodayaan inaysan heli Karin rag u qalmo oo ay guursan karaan. Peter Hector, oo ah qoraha buuga la yiraahdo
Love is no Guarantee, mar uu waydiiyay gabdhaha nooca uu noqonayo ninka ay jeclaan lahayeen in ay guursadaan waxay
ku jawaabeen waa in uu noqdo: “nin aan is fahmayno, deggan, dhaqaalo ku filan haysta, hal
buurleh, kaftan yaqaana,
akhiyaar ah, aan ka cabsanayn inuu muujisto jeceylkiisa, diyaar u ah inuu
mas’uul qaado reerna
dhaqdo.Sida xulasho.com
soo oogaatay intaa waxaa dheer in uu qurxan yahay,
muuqaalkiisana fiican yahay.” Gabdhaha Soomaliyeed waxa ay ku sii darsan lahayeen


waa in uu yahay nin diinta ku dhaqmo. Haddaba su’aasha meesha taalo ayaa ah rag
noocaan ah sidee lagu helayaa isla markaan imisa ayay qaadanaysaa in rag noocaan
ah in la helo?


Gabdho ayaa ku dooda inaysan doonayn niman dhinac walba
ka buuxa balse ay yar yahiin niman macquul ah oo dhaqda.
Waagii hore waalidka ayaa isu dooni jiray labada is
guursanayso balse xilliyadaan danbe labada doonaayo inay is‐
guursadaan iyaga ayaa iskeensada. Gaabdhaha qaar ayay ku
adag tahay in ay la kulmaan rag gayaankooda ah. Goobaha
waxbarashada, shaqada, iyo aroosyada ayaa ka mid ah
meelaha inta badan ay ku kulmaan dadka guurdoonka ah.
Inta badan gabdhaha diyaarka u ah inay guursadaan waa ay
dhameeyeen waxbarasha sidaa daraadeed ma tagaan goobaha
waxbarashada ama waxay sii wataan waxbarashadooda
jamacadeed maadama mid u qalmo ayan helin taa ayaana
keenaysa in jaamacadaha kula kulmaam rag sharuudo badan
wato ama meelo kale u hanqal taagaya. Haddi aysan ku jirin
waxbarasho waxaa dhici karto inay ka shaqeeyaan goobo ay ku
yar yihiin rag Soomali ah oo guurdoon ah amaba aysan joogin.
Aroosyada waxa ay ka mid ahaan jireen meelaha ugu badan oo
ay ragga iyo dumarka ku kulmaan. Balse diinta oo ku sii
xoogaysanaysa jaaliyadda dhaxdeeda, aroosyada hadda
badanaa ragga iyo dumarka isma dhexgalaan sidii hore. Taana
waxay sii yareysay in wiilasha iyo gabdhaha is bartaan.
Haddaba maxay qaban karaan gabdhaha Soomaliyeed marka
ay ka tiro badan yihiin ragga isla markaas ay jiraan culays
dhaqan?
Arrinta guurka ma aha arrin ku kooban gabdhaha oo qura, waa
mashaakil xalkiisu sugayo jaaliyadda oo dhan. Aqoonsashada
iyo ka hadalka arrintaan waa talaabada ugu horaysa ee la
qaadi karo. Turxaan bixinta dhaqankeena, hagaajinta fahamka
ka dhaxeeyo dumarka iyo ragga, iyo abuuris meelo ay ku kulmi
karaan wiilasha iyo gabdhaha waxa ay keeni karaan xal u
helidda culayska ka jira xagga guurka. Waxay ragga u baahan
yihiin inay is waydiiyaan cabsida ay ka qabaan gabarta wax
baratay ama isku kalsoon: Ma cabsi run ah baa mise waa mid
ay iyaga aamineen? Sidoo kale, ma qasabaa in dunida
dacaladeeda la aado si loo guursado?


Gabdhana waxay u
baahan yihiin in ay isweydiiyaan sharuudaha ay wataan in ay
yihiin kuwa macquul ah? Sidoo kale diyaar ma u yihiin in meel
dhexe la isugu yimaad


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *