Uncategorized

Gabar Somaliyeed oo 21 jir ah oo isku gubtay xero ku taala Jazeera Nauru..

iftineducation.com – Isbitaal ku yaala Jazeerada Nauru, ayaa waxaa la dhigay gabar Somaliyeed oo 21 jir ah, ka dib markii ay batrool iyo dab-ba is qabadsiisay, markii aan laga jawaabin codsi ay u dirsatay Dowladda Australia oo ahaa in Jazeeradaasi laga kaxeeyo.
Waxaa la soo sheegayaa inay aad u liidato xaaladda caafimaadeed ee gabadhaasi Somaliyeed, iyadoo dhaawacyo culus uu ka soo gaaray dabkii ay is qabadsiisay.
Xiriir dhex maray Maamulka Nauru iyo Dowladda Australia, ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaasi, waxaana la qorsheynayaa in caafimad ahaan loogu qaado Australia.
Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii uu dab is qabadsiiyay 23 jir u dhashay dalka Iran, isagoo ka cabanaayay nolol xumo ku haysatay xero qaxooti oo ku taala Jazeeradaasi.
Jazeerada Nauru waxaa gacanta ku haysa oo maalgelisa Dowladda Australia, waxaana dib u dejin loogu sameeyaa dadka doonaaya in magangalyada ay ka hellaan Australia.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *