Uncategorized

Fariin Jaceyl Xambaarsan Oo Dhuuxa Ku dhalaalinaysa !(Baro Erayo Jaceyl)

iftineducation.com – Marka Hore Iga Hano Salaan Hufan, Oo Heybad Wacan , Laguna Milay Udgoon Ka caraf badan Miskiga iyo Riixaanta, Lagana soo Hagay Qalbi Huwan Caashaq, Laheynna Xiqdi Iyo Xummaan Dhankaada ah.
Salaan Loo Hibeeyo Ruux Mudan, Makaan yeelatay Laabteyda, iyo dhammaan Oogada Jirkeyga, una ah Hoggaanka Maskaxdeyda Iyo Hankeygaba.
Salaan Qiimo , Qaayo, Iyo Qadarin Mudan Kadib;-
Ma Ogtahay Adduunyada
Aadmiga Dhax joogee
Ku barbaarshay Eebaan
Daggan Kaa Ishaartee
Axdigeynu dhiganana
Waaniga Adkeeyoo
Ku Idleeyay Uurkee
waligaa Ogsoonow
Ifka Itaad Ku Nooshahay
muran iyo Asraariyo
Inanyahay Wax noodaran
Ka Ogow Jaceylkani!?!
Waa Dhab In Aan Ku jacelahay, kugu dhaato, oo aaD igu Dheertahay, Leyl iyo dharaarna Kugu dhadhabo , dhankaad Iga jirtana Dabeyluhu Ii Jiidayaan, dhawaqaada Markii Aan Dhageysto Waxaan Dareemaa Naxariis


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *