Uncategorized

Fariimaha qaar ee Facebooka soo dhigaan Muwaadiniinta Dalka Jarmalka oo lala soconayo (Waa Maxay Sababta)

iftineducation.com – Dowlada Jarmalka ayaa qorsheeneysa in ay sameyso kooxo la socda kana hortaga fariimaha ay baraha bulshada gaar ahaan aalada Facebooka soo dhigaan muwaadiniinta u dhashay Dalkaasi.


Waxaa mudooyinkii dambe kordhay dadka u dhashay Dalka Jarmalka ee fariimaha naceybka ku saleesan ee looga soo horjeedo dadka qaxootiga ah soo dhiga barta Facebooka.


Masuuliyiin katirsan Dalka Jarmalka ayaa sheeay in ay kordheen dadka hadalada jinsi naceybka ah soo dhigaya baraha bulshada , xili ay kordeen qaxootiga soo galaya dalkaasi.


Shirkada Facebooka oo cadaadis xoogan kaga yimid dalka Jarmalka ayaa shaacisay in ay adkayn doonaan habka loo ilaaliyo loogana tirtiro hadalada aan haboonayn ee lasoo dhigo barta Facebooka.



Dalka Jarmalka maalmihii lasoo dhaafay waxaa galayay kumanaan qaxooti ah oo intooda badan kasoo cararay colaada ka aloosan Dalka Siiriya, waxaana jira dad cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda qaxootiga dalkaasi kusoo qul qulaya.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *